Home > TFG Somalia > Madaxweyne Shariif Oo U Ambabaxay Dalka Ethiopia

Madaxweyne Shariif Oo U Ambabaxay Dalka Ethiopia

Monday, June 25, 2012

Muqdisho – Madaxweynaha Dawladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyadoo Madaxweynaha iyo Wafdigiisana ay kusii jeedaan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia oo ay uga qeybgalayaan shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise, wasiirka wasaaraadda, Arrimaha dibada iyo xubno ka tirsan dowladda.
.

Suldaan Axmed faarax oo ah madaxa qeybta warfaafinta xarunta madaxtooyadda ayaa saxaafadda u sharaxay safarka uu madaxweynaha ku aaday dalka Ethiopia waxa uuna xusay in halkaasi uu ugu qeyb galayo shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
.

Sidoo kale Suldaan Axmed Faarax ayaa intaa ku daray in Madaxweynuhu uu kulan la qaadanayo R/wasaaraha dalka Ethiopia si ay uga wada hadlaan arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal.
.
June 25, 2012

 by Canab
.
RM.