Home > TFG Somalia > Munaasabad Loogu Dabaaldagayey 26ka June Oo Lagu Qabtay Taalada SYL,Muqdisho

Munaasabad Loogu Dabaaldagayey 26ka June Oo Lagu Qabtay Taalada SYL,Muqdisho

Tuesday, June 26, 2012

Ra’isulwasaaraha Dalka Oo Ka Qeybgalay Munaasabad Loogu Dabaaldagayey 26ka June Oo Lagu Qabtay Taalada SYL

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr C/weli Maxamed Cali Gaas oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha Wasiirrada ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabad loogu dabaal dagayey sanadguuradii 52aad ee kasoo wareegatay markii ay gobollada Waqooyi ee dalkeenna xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.

Munaasabadda oo lagu qabtay taalada SYL ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada oo iyagu ka qeybqaadanayey dabaal degga maalintan qiimaha leh oo ah markii ugu horeysay ee ciid Soomaaliyeed uu si xornimo ah Calankeenna quruxda ugu babado.

Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyey Munaasabdda ayaa ugu horeyn tilmaamay in munaasabadan qiimaha leh ay kusoo beegantay sanadkaan xili dalka intiisa badan uu ka xoroobay Maleeshiyada Al-Qaeda waxaana uu xusay Ra’isulwasaaruhu in Munaasabadan oo lagu qabto taalada  SYL ay muujineyso guusha xoriyadeed.

Ra’isulwasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in guushii xoriyadda ee laga qaatay gumeystayaashii reer yurub ay shacabka Soomaaliyeed iska qasaariyeen mudo 20 sano ah maadaama uu dalku ku jiray dagaallo xasiloonidiina la lumiyey laakiin maanta looga baahanyahay shacbiga Soomaaliyeed iney ka faa’ideystaan fursada la heysto.

Ugu dambeyntii Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa hambalyo u diray Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika guullaha ay kasoo hooyeen howlgallada ka soconaya gobollada dalka gaar ahaan ciidammadii wadajirka saakay u xoreeyey degmada Balcad ee gobolka Shabeelada Dhexe.

 

RM.