Home > WARARKA > Dooni Siday 150 Qof Oo Ku rogmatay Badweynta Hindiya

Dooni Siday 150 Qof Oo Ku rogmatay Badweynta Hindiya

Wednesday, June 27, 2012

Dooni Siday 150 qof oo magangalyo doon ah ayaa ku rogmatay badweynta Hindiya ee ku aadan xeebaha Waqooyi ee Australiya.Dhacdadan ayaa timid iadoo laga joogo wax kayar asbuuc  markii 90 qof ay ku qaraqmeen dhacdadan oo kale.
.
Dadka magangalyo doonka ah (tahriibayaasha) ayaa kulligood la rumaysan yahay inay yihiin Dumar iyo Caruur.Hawlgal weyn oo lagu badbaadinayo ayaa laga wadaa meel u dhaxeysa Indonesia iyo Jasiiradda Kiristamis ee Australia.
.
“Doonidu waa rogmatay,waxaana jira dad kujira biyaha” sidaa waxaa televishan Australiya u sheegtay haweenay lagu magacaabo Jo Meehan oo u hadashay masuuliyiinta ama hay’adda Australia u qaabilsan nabadgalyada Badda.

.
Waxaa kaloo la sheegay “inay jraan dad ka badbaaday”

.

VOR.

.

Guleed Hurdaaye