Home > TFG Somalia, WARARKA > Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya -“Madaxweynaha Jamhuuriyadda” Oo Dubai Kula Kulmay “Madaxweynaha Maamulka Somaliland”

Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya -“Madaxweynaha Jamhuuriyadda” Oo Dubai Kula Kulmay “Madaxweynaha Maamulka Somaliland”

Thursday, June 28, 2012

Laaska News   June 28, 2012
Warkii Dalka ee Radio Muqdisho (RM) Cadka Jamhuuriyadda Soomaaliya

 

Photo:RM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa magaalada Dubai ee isutaga Imaaraadka Carabta kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Axmed Maxamuud Siilaanyo.

Kulanka oo ahaa mid daba socday kulankii ay magaalada London duleedkeeda ku yeesheen 21-22 bishan June gudiyo ka kala socda labada dhinac ayaa qaatay saacado waxaana u jeedkoodu ahaa xoojinta sidii ay usoo socon lahaayeen wadahadallada u bilowday DFKMG iyo maamulka Somaliland.

Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa sheegay in kulanka uu kusoo idlaaday guul islamarkaana ay labada Madaxweyne ku heshiiyeen qodobo gaaraya Afar qodob oo ay ka mid yihiin:

In ay wadajir u taageereen qodobadii kasoo baxay shirkii ay duleedka London ku yeesheen gudiyo labada dhinac ah iyo

In lasii wado wadahadallada ay labada dhinac uga arinsanayaan aayahooda.

 

Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa xusay in qodob kale oo muhiim ah oo ay labada Madaxweyne ka hadleen uu yahay in dhaqaalaha isu socodka si rasmi ah la isugu fururo taasi oo ah guul ayuu yiri islamarkaana saamixi karta ama suurta gelin karta is dhexgalka Bulshada Soomaaliyeed.

.

Waa markii ugu horeysay ee ay si fool ka fool ah isku soo hor fariistaaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayadoona kulankan uu qeyb ka yahay ifafaalaha muujinaya jiritaanka is faham ama iskusoo dhowaansho maadaama ay walaalaha Waqooyi Galbeed Soomaaliya amaba maamulka Somaliland markii ugu horeysay ay ku qanceen iney soo hor fariistaan mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka.
June 28, 2012

by Jayte

RM.

 

 

 

 

 

 

.

 

 

 

 

 

 

 

.

 

 

 

.