Home > WARARKA > Iran Oo Sheegtay Inay Diyaar Utahay Inay Caawiso Xalinta Dhibta Syria

Iran Oo Sheegtay Inay Diyaar Utahay Inay Caawiso Xalinta Dhibta Syria

Thursday, June 28, 2012

Iran diyaar bay utahay inay caawiso qorshaha Ergayga caalamiga ah ee Kofi Anana iskudayga lagu doonayo in xal nabadgalyo laga gaaro Suuriya,laakiin haddii dawladaha qaarkood aysan rabin dahraan kulanka quwadaha caalamka “taasi waamid iyaga dhibaato ku haysa”Danjiraha Iran ufadhiya UN ka Mohammad Khazaee ayaa sheegay Arbacadii.

.
Kulan uu isugu yeedhay Koofi Anana ayaa kadhaci doona Geneva sabtiga si looga shaqeeyo habkii ama meel layla dhigo sidii loo dhamayn lahaa khilaafaadka iyo dagaalada sii xumaanaya ee kasocda suuriya loona gaadhi lahaa xal siyaasi ah.
.

Maraykanka,Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa kasoo horjeeda ina Iran Kulankaa kaqayb qaadato sababtoo ah waxaa lagu kala tagsan yahay oo taagan wadahadalada barnaamijka Nawawiga Iran.
.

“Waxaa xaqiiq ah oo aan layska indha tiri karin ama la inkiri karin doorka wayn iyo saamaynta ay Jamhuuriyadda Islaamka ee Iran ku leedhay gobolka”,Danjire Khazaee ayaa warfidiyeenada ugu shegay xarunta Qaramada Midoobay ee New York.
.

Makula tahay Bariga dhexe inuu Ciin Daaqay oo dhawaan laysku badheedhayo,waa tan arrintii Suuriyana lagu wado inuu ka dhaco dagaal sokeeye!!

June 28,  2012.

Reuters.

Iran says ready to help solve Syria crisis

Turjumidii

Guleed Hurdaaye.

Laaska News