Home > Shirarka, WARARKA > Warkii Dalka -Shirkii Burcad Badeeda Looga Hadlayey Oo Dubai Lagusoo Gebagebeeyey

Warkii Dalka -Shirkii Burcad Badeeda Looga Hadlayey Oo Dubai Lagusoo Gebagebeeyey

Thursday, June 28, 2012

Laaska News    June 28, 2012                                 Warka  TFG da

Magaalada Dubai ee isutaga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagusoo gebagebeeyey Shir looga hadlayey sidii xal loogu heli lahaa Burcad Badeeda Soomaalida ah kaasi oo ay ka qeybgaleen dowladdo farabadan.

Shirkan oo ay marti gelisay Imaaraadda Dubai ayaa dhanka Soomaaliya waxaa uga qeybgalay Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayadoo Madaxweynaha uu shirkaasi khudbad ka jeediyey.

Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise oo isaga oo ku sugan magaalada Dubai wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in shirkan oo mudo laba cisha ah ka socday Dubai hada lasoo gebagebeeyey islamarkaana talooyinkii ay wafdiga Dowladda Soomaaliya madasha geeyeen la aqbalay.

Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa tilmaamay in qodobada ugu muhiimsan ee shirka kasoo baxay ay ka mid tahay in Soomaaliya laga taageero sidii ay Ciidammadeeda Badda dib ugu dhisi laheyd taasi oo loo arko xalka kaliya ee Burcad Badeedda lagula dagaalami karo.

Imaaraadka carabta ayaa hal milyan oo doolar ku bixin doonta la dagaalanka Burcad Badeedda Soomaalida ah ayadoo sidoo kalena qodobada shirkaasi kasoo baxay ay ka mid tahay in raad raac lagu sameeyo halka lacagaha Burcad Badeeddu uga yimaadaan iyo goobaha ay dhaqaalahaasi dhigtaan.

 

RM.