Home > TFG Somalia, WARARKA > Shirka Golaha Wasiirada Oo Qodobo Muhiim Ah Lagu Falanqeeyay – WARSAXAAFADEED

Shirka Golaha Wasiirada Oo Qodobo Muhiim Ah Lagu Falanqeeyay – WARSAXAAFADEED

Friday, June 29, 2012

 Warka TFG da

Muqdisho, Khamiis, June,18,2012—–Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo shirkani uu guddoominayay Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ahna Wasiirka Ganacsigga Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, waxaana shirkan looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ugu horeysay xoojinta Amniga dalka, Arrimaha Roadmap-ka iyo Ergooyinka,Maxkamadaha iyo Hantida ma guurtada la kala heysto iyo arrimo kale.

Ugu horeyntii Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa shirka waxaana laga dhegeystay warbixin la xiriirta Amniga dalka iyo guulihii laga gaaray howlgaldii ugu dambeeyay oo ay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee ku xureeyeyn degmada Balcad oo ka tirsan Gobalka Sh/Hoose iyo halka ay marayaan howlaha Amni ee dalka.

“26,June, ayaa ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ku guuleystay iney gacanta ku dhigaan degmada Balcad ee Gobalka Sh/Dhexe islamarkaana ay howlgaladada lagu xureynayo dalka ay sii socon doonaan,Sidoo kale Gobaladii horey gacanta loogu hayay iyagana waa lagu guuleystay in Amaankooda la sugo” islamarkaana la sii wadi doono howlgalada”.

Sidoo kale Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Axmed Xasan Gaboobe ayaa isna Golaha Warbixin ka siiyay Wasaaradiisa, Wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in la dhiso Maxkamad u qaas ah sidii loo soo celin lahaa Hantida la kala heysto islamarkaana ay Wasaaradiisa ku mashquulsan tahay sidii loo dhameystiri lahaa wax ka qabashada Arrimaha Cadaaladda.

Ugu dambeyntii Goluhu wuxuu soo dhaweeyay Nuqulkii ugu dambeeyay ee Dastuurka dalka,kaasoo loo qeybiyaya Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed,Islamarkaana Shacabka Soomaaliyeed loo marsiiyay qeybaha kala duwan ee Warbaahinta.

– DHAMAAD –

By:Jeyte

RM.