Home > WARARKA > Kawda Luulyo Oo Sanadka Gashay Caalamka

Kawda Luulyo Oo Sanadka Gashay Caalamka

Tuesday, July 3, 2012

Laaska News   July 3, 2012

 

 

 

Dalka Turkiga Oo Si Weyn Looga Xusay Munaasabadda Kawda Luulyo.

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimey islamarkaana ay ka qeybgaleen ardayda Soomaaliyeed ee wax ka baraneysa dalka Turkiga,Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Waxbarashada dalkaasi ayaa lagu qabtay meel 70km u jirta Caasimadda dalkaasi ee Ankara.

Xoghayaha Koobaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Mudane C/qaadir Maxamed Nuur(Jaamac) oo Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa tilmaamay in Safaaradda ay mar walba diyaar u tahay muujinta maalmaha ku weyn shacbiga Soomaaliyeed sida koowda Luulyo taasina ay tahay sababta ay Munaasabaddan iyo Munaasbaddi 26ka juun lagu xusay ay Safaaraddu usoo agaasintay.

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Turkiga Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ugu hambalyeeyey ardayda iyo guud ahaanba shacbiga Soomaaliyeed maalintaan qiimaha ee Koowda Luulyo.

Sidoo kale mas’uul ka socday Wasaaradda Waxbarashada dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga oo isna Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa Ardayda ku guubaabiyey iney muujiyaan mar walba isku duubni isagoo dhanka kalena ku ammaanay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga sida ay mar walba u garab taagantahay Ardaydooda.

Intii ay Munaasabaddu socotay ayaa ardayda Soomaaliyeed ee wax ku baraneysa Dalka Turkiga waxa ay goobta kusoo bandhigeen Hidaha iyo Dhaqanka Dalkeenna iyo sidoo kale hidaha dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga taasi oo dadkii Munaasabadda ka qeybgalay aad uxiiso gelisay.

Dhanka kale magaalada Istanbul ee isla dalka Turkiga ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo iyana lagu maamuusayey sanad guuradii 52aad ee kasoo wareegatay markii ay gobollada Koonfureed ee Dalkeenna ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga islamarkaana ay midoobeen gobollada Koonfur iyo Waqooyi.

.

.

.

.

Kawda Luulyo Oo Si Weyn Looga Xusay Caasimadda Dalka Zambia Ee Lusaka”

July 2, 2012 by Jayte

Xaflad Balaaran oo lagu maamuusayo xuska sanad guuradii 52 ee ka soo wareegantay markii ay Xorooobeen Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya sidoo kalana ay midoobeen Gobolada Waqooyi iyo Koonfur ayaa xalay si wayn looga xusay Caasumada Dalka Zambia ee Lusaka.

Xuskan oo ay ka soo qayb galeen Dadwayne fara badan oo isugu jira Dhalinyo iyo Odayaasha Jaaliyada Soomaalida ayaa waxaa si wayn la isu xasuusiyay sharaf ay leedahay Xornimada iyo qaranimadu.

Sidoo kale waxaa Xaflada dhanka khadka Taleefonka uga qayb galay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac iyo Duqa Degmada Gaalkacyo Col Siciid Cabdi Faarax Cadde.

Waxayna Dhamaantood ku amaaneen Jaaliyada sida qiimaha leh ee ay isugu taageen xusida maalinta Xornimada Soomaaliyeed.

.

RM.

.

Somalia celebrates National Independence Day

.

MOGADISHU, July 1 (Xinhua) — Somalia is marking the 52nd anniversary of its independence from Italy with military parades and popular rallies in various parts of the capital Mogadishu and other regions in the war ravaged horn of Africa nation.

Huge rally was held at Konis football stadium in the north of the capital Mogadishu where top government leaders attended the 52nd national independence celebrations and the union between the southern and northern parts of Somalia.

The northwestern regions of Somalia has been under British controlled while the south was colonized by Italy.
Somali leaders who spoke at the gathering called on Somali people to unite at a time when both Somali government and leaders of the breakaway republic of Somaliland are holding on to the future of their relations.

The celebrations also come as the Somali capital has been witnessing relative peace and stability for almost a year since armed extremists fled the city following major military offensive by government forces and African Union peacekeepers.

“After twenty-one years you see the biggest celebrations being held for the July 1 Independence Day which many have forgotten. The Somali people have come out as a sign of the peace in Mogadishu, it is as a sign of rebuilding, it is a sign of brotherhood, a sign of social harmony, it is a sign of peace and progress and prosperity,” Mohamed Ahmed Nur Tarsan, Mayor of Mogadishu, said.

Hundreds of Mogadishu residents have held ceremonies throughout the Somali capital while local radio stations have been playing patriotic songs to mark the day.

Folklore dancers and Somali military bands have been performing at the biggest gathering at the Konis football stadium where top government leaders spoke.

Somali government have lately been making headway in its fight against rebels of Al-Shabaab who have been forced out of key towns on the northern and southern outskirts of capital Mogadishu.

 2012-07-02.

(Xinhua)