Home > Faallo, WARARKA > Muqdisho – Musharaxiin Isdaba Dhigay Dhaliil, Soojeedin Qodobo Iyo Spoilers Oo Aan Wali Lafahmin

Muqdisho – Musharaxiin Isdaba Dhigay Dhaliil, Soojeedin Qodobo Iyo Spoilers Oo Aan Wali Lafahmin

Wednesday, July 4, 2012

Laaska News  4 July 2012

In Loo Sinaado la kulanka Odayaasha & in Musharaxiintu Wakiilo Ku Yeeshaan Guddiga Farsamada”.

Muqdisho – Qaar kamid ah musharaxiinta u taagan madaxtinimada Soomaaliya oo gaadhaya 7 musharax ayaa maanta shir jaraa’id kuqabtay magaalada Muqdisho kana hadlay arrimo dhawr ah oo isugu jira soo jeedin,waxyaalo ay dhaliilsan yihiin, arrimo la xidhiidha doorashada iyo in loo sinaado xidhiidhka iyo la kulanka odayaasha dhaqanka,sidoo kale eaxay ka hadleen Musharaxiinta TFG da iyo gacan ku haynta hantida qaranka iyo ololaha doorashada.

.Waxay sheegeen in guddiyada farsamo lagu daro wakiilo ka socda musharaxiinta oo aanay dawladdu isku koobin si loogu sinaado tartanka,waxaad ka dhagaysan kartaa BBCda.

.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ahaa musharaxiinta shirka Jaraa’id  qabtay ayaa warbaahinta u akhriyay (Sida BBC da) qodobo ay soo jeediyeen waxaana kamid ah:.
.

In si degdeg ah loo magacaabo guddigii qaban lahaa doorashada oo dhexdhexaad ah oo madaxbanaan
Loona diyaariyo sharcigii iyo miisaaniyaddii uu ku shaqayn lahaa.

.
In Maamulka dhaqaalaha laga joojiyo maamulka TFG kuwooda ololaha doorashada kujira loona diyaariyo hab raac lagu maamulo dhaqaalaha dawladda inta lagu jiro ololaha doorashada.
.
Dakhliga canshuuraha ee dakadda kayimaada,Airport ka iyo hayadaha dawladda ka yimaada waxaan rabnaa inaan loo isticmaalin ololaha doorashada,uuna kamadax banaanaado madaxda TFG da ee loolanka doorashada kujirta hadda.
.
In fursad siman loo helo xiriirka iyo galaankalka loo leeyahay odayaasha dhaqanka.

Xubno kale  ayaa sidoo kale waxay sheegeen in dastuurka cusub cilado leeyahay waxyaalo badan laga tagay waxyaalaha ay xuseen waxaa kamid ah:
.

In Dastuurka ay kuqoran tahay in qodobka 131 aad – 198 aad dib loo dhigay,qodobadaasina ay aasaas u yihiin qodobo kale oo dastuurka kuyaal oo larabo in la ansaxiyo,isla markaana aan macno iyo sharciyad yeelanayn.

.
Waxay sheegeen in waxyaalaha ay maqleen markay dadweynaha dhagaysteen ay kamid tahay:

.

In maqaamka caasimadda muqdisho layidhi waxaa ka hadli doona baarlamaanka laakiin lama caddayn inay  caasimadda muqdishu tahay.

.

Arrintaasi waa lagama maarmaan waa in la caddeeyaa in caasimaddii Muqdisho tahay.

.

Waxaanna muuqata inay hadda ay tooseen musharaxiintu oo ay dareemeen in difaac laga xidhtay.Waxaase jirtay in muddo ahba inuu guuxo jiray oo aad looga hadlayay arrimaha tan iyo intii baarlamanka la sheegay inuu hawl gab yahay ayna soobaxday kalmaddii tafsiirka loowaayay iyo cidda loola jeedo ee “Spoilers – Qaswadayaal” ee hadda dad badan qabaan inay noqotay sida margiga oo meeshii larabo loo leexin karo,laakiinse aan iskusi loofahmin.

.

Waxaase Su’aali ka taagan tahay ninkii maanta usoo istaaga doorasho  inuu  wali fahmay  kalmadda iyo in kale.

.

Cagmadhige.