Home > Tacsi, WARARKA > Tacsi- (Col. Nadalo) Oo Lasheegay in Lagu Dilay Habeen Hore Garowe

Tacsi- (Col. Nadalo) Oo Lasheegay in Lagu Dilay Habeen Hore Garowe

Wednesday, July 4, 2012

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun”.

Waxaa lagu soo waramaya in ninka habeen hore lagu dilay Garowe ee warbaahintu ku sheegtay magaciisa Cabdulaahi saalax Maxamed,sidoo kalana la sheegay inuu ahaa ama ahaan jiray taliye Kuxigeen Bolis uu ninkaasi yahay “Col. Nadalo”.
.

Sidoo kalaana laga sheegay BBC da iyo Maamulka Puntland na uu xaqiijiyay geeridiisa,laguna waramay in dabley hubaysan ay toogteen.

.
Ilaahay Ha unaxariisto Col Nadalo wuxuu ahaa nin soomaalidi hore ay si fiican u taqaanay wuxuuna kasoo jeeda qoys aad loo yaqaan – “Col. Nadalo” wa ina Salax Maxamed Cali Bulay,waxayna walaalo yihiin Garaad Abshir Saalax (Widhwidh),wuxuuna ahaan jiray Senior Col. Malatarigii Soomaaliya.

.
(Alla HUN) Nadalo waxaa la sheegay in shalay la’aasay,sida ay warbaahinta qaarkood ay qortay.
.
Haddaannu nahay Laaska News waxaannu tacsi udiraynaa  qoyskii, eheladii,qaraabadii & dhammaan reer Cali Bulay ee uu ka geeriyooday marxuumku,ilaahayna waxaannu ka baryaynaa inuu janadii ka waraabiyo,samir iyo imaanna ilaahay idinka siiyo.

.

Aamiin.

.

Albaaqi Lilaah.