Home > TFG Somalia, WARARKA > Ra’iisal Wasaaraha Oo qaabilay Cayaartooyda Dalka Uga Qayb Galaya Olombiga Adduunka

Ra’iisal Wasaaraha Oo qaabilay Cayaartooyda Dalka Uga Qayb Galaya Olombiga Adduunka

Thursday, July 12, 2012

Laaska News   July  12,   2012

 

Muqdisho, Jul 11,2012 – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Caligaas ayaa qaabilay cayaartooyda Soomaaliya uga qayb galaya cayaaraha Olombiga adduunka ee ka furmaya dhawaan London.
Raysal Wasaaraha Soomaaliya Prof Gaas ayaa sidoo kale kulamo la qaatay Mas’uuliyiin kasocda Wasaaradda Shaqada,Sportiga iyo dhalinyarada, Guddiga Xiriirka Olombiga Sooomaaliyeed,iyo Safiirka Britain ufadhiya Soomaaliya.

.

.
“Waxaan aad ugu faraxsan nahay iyadoo la’ogyahay xaaladda uu waddankeennu kusugan yahay ay maanta dhalinyaro soomaaliyeed kaqayb galayaan cayaaraha Olombiga Adduunka ee ka dhacaya London“, sidaa waxaa yidhi  R/wasaaraha Soomaaliya Prof. Gaas oo la hadlay warbaahinta kulamada kadib.

.

Waxa uu PM Gaas raaciyay “waxaana Soomaaliya uga qayb galaya Cayaartooyda kala ah:

.
Samsam Maxamed Faarax – Oradka 800m iyo 1500m.

Maxamed Xasan Maxamed – Orodka 1500m iyo 5000m”.