Home > WARARKA > Shaqaale “Hay’ad Samafal” Oo La Afduubay,Maxaa Laga Sheegay?

Shaqaale “Hay’ad Samafal” Oo La Afduubay,Maxaa Laga Sheegay?

Thursday, July 12, 2012

Laaska News July  12,  2012

Wararka ka imanaya deegaanada Puntland ayaa kusoo waramaya in 3 qof oo u shaqaynayay hay’ad samafal laga afduubay deegaan ka tirsan degmada Gaalkacyo ee Puntland shalay galinkii dambe.

.

Warka kusaabsan afduubka shaqaalahan oo ilaa xalay ay warbaahintu aad u hadal haysay ayaa haddana waxaan jirin cid rasmi ah oo faahfaahin kabixisay waxa ay yihiin dadka la afduubay,cidda afduubtay,meesha falkani ka dhacay,waqtiga la afduubay iyo waxa ay xaaladuudu ku dambaysay toona,inkastoo ay wararka qaar ay sheegeen in falku ka dhacay deegaan katirsan Bacaadweyn oo Gaalkacyo kaga beegan dhinaca Waqooyi ee dhinaca Puntland,dadkuna ay ahaayeen Kiinyaati.
.

Haddaba waxaa kahadlay Maamulka Gobolka Mudug,Maamulka sare ee Puntland,BBC da,VOA da waxayna eegnaa sida wararku isaga soo daba dhacayaan.

.

Waxaana soobaxaya warar sheegaya inay kooxda falkaas gaystay ay yihiin budhcad badeed.
.

Galinkii Hore ee Maanta:
.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Gen.Cabdullaahi Jaamac Axmed (Gen.IJ ) oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in falkaas uu dhacay (waa afduubkee) shalay maqribadii,laguna jiro hawlgal iyo badi goob,sidoo kalana ay nimankaasi geysteen dhaawc, ragna ay kaxaysteen.

.
BBC da oo soo xiganaysa mas’uuliyiin katirsan Puntland ayaa sheegtay in dablayda falka geystay ay kasoo jeedaan kooxaha Budhcad badeedka,baadigoobna uu maamulka ugu jiray tan iyo markii falkaasi dhacay waa haddii ay yihiin maamulka Gobolka Mudug iyo ka dhexe ee Puntland,hase ahaatee aysan wali ku guulaysan inay gacan ku dhigaan dableyda ama aysoo furtaan.
.

Warku wuxuu intaa kudarayaa “in kooxdaas uu saaka waagu ugu baryay tuulada Ceel Dhanaane oo 50 Km ka jirta koonfur degmada Garacad” sidaana waxaa tabisay BBCda laanteeda af-soomaaliga.

.

BBC.

.
Galinkii Dambe ee Maanta:

.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo ka hadlay falkaas ayaa sheegay in dadkaa la afduubay ay 2 kamid ah ay yihiin Kenya, halka qofka kalana uu yahay Soomaali, dableydaasina ay dhaawac geysteen,dadka la dhaawacayna ay kamid yihiin ciidanka Boliska.
Gudoomiyaha oo laanta af-soomaaliga VOA da wareysi siiyay ayaa sheegay warkaas iyo in maamulkiisu ay ka hawlgaleen sidii ay usoo furan lahaayeen dadkaas oo ay daba joogeen ilaa xalay dableydaas,dhawr jeerna ay aad ugu dhawaadeen,dableydaas oo watay gaadiidna ay usuura gashay inay kabaxaan deegaanka hoos yimaada Puntland ayna ugudbeen deegaano hoos taga Galmudug – waxa uu sheegay inay galeen Budbud oo ay dadka deegaanku iska saareen,kadibna ay ugudbeen dhinaca Hobyo.
.

Dhinaca kale waxaa xusid mudan in Gudoomiyuhu uu dhaliil usoo jeediyay baro kontarol ama ciidan oo ka tirsan maamulkiisa.

 

.

Lama sheegin wax war ah oo kasoobaxay dhinaca Galmudug  oo lasheegay in raggaasi ay soogaleen deegaanka ay ka taliyaan iyo in kale iyo  sidoo kale dhinaca afduubayaasha ruuxooda toona.

 

.

Laaska News.