Home > TFG Somalia > Somalia:Wasaaradda A Gudaha Oo Sheegtay In Shirkii Ergada Uu Dib U Dhacay

Somalia:Wasaaradda A Gudaha Oo Sheegtay In Shirkii Ergada Uu Dib U Dhacay

Friday, July 13, 2012

Warkii Dalka (TFG da)

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Sheegtay in uu dib u dhacay Shirkii Ergada
by
Mowliid

Muqdisho,  (  RM) -12 July 2012 – Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa sheegtay in dib uu dhac ku yimid shirkii ergada ansixinta Dastuurka ee maanta ka furmi lahaa Muqdisho.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda arimaha Cabdi Cali oo saaka la hadlay Radio Muqdishho ayaa sheegay in cillad farsamo darteed uu dib u dhac ku yimid shirkii ergooyinka ee maanta ka furmi lahaa Muqdisho.

Sidoo kale wasiirka ayaa intaa ku daray in aan wali la dhameystirin kaararka aqoonsiga ee ergada shirka iyo isku dubaridka howlaha shirkaasi, isago tilmaamay in shirkaasi uu dib u dhacay isla markaana sida uu sheegay uu furmi doono 23-ka bishan.

.

RM.

July 13,2012