Home > TFG Somalia > Somalia – Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweyne Shariif Oo U Ambabaxay Dalka Ethiopia

Somalia – Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweyne Shariif Oo U Ambabaxay Dalka Ethiopia

Saturday, July 14, 2012

Warka Dalka ( TFG da) 

by Canab

 

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amabaxay wadanka Ethiopia halkaas oo maalinnimada berito ah lagu wado in uu ka furmayo shir ay isugu imaanayaan madaxda wadamada Africa.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa waxaa ka mid ah R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gacasiga iyo warshadaha C/wahaab Ugaas Xuseen iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Adis Ababa ay ugu qeyb galaan shir ay yeelanayaan madaxda wadamada Africa kaas oo maalinta birito ah ka furmayo magaalada Adis Ababa ee xarunta waddanka Ethiopia.

July 14, 2012

RM