Home > Egypt (Masar), WARARKA > Madaxweyne Kuxigeenkii Hore Ee Masar Cumar Suleymaan Oo Geeriyooday

Madaxweyne Kuxigeenkii Hore Ee Masar Cumar Suleymaan Oo Geeriyooday

Thursday, July 19, 2012

Laaska News July  19,2012

EPA

Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Masar Cumar Maxamuud Suleymaan oo da’diisu ahayd 76 sano ayaa ku geeriyooday Isbitaal kuyaala maraykanka.
.
Horrey waxay warbaahintu u sheegtay in uu ubaxsaday xagga Imaaraadka kadib markii ladoortay madaxweynaha cusub.
.

Geerida Suleymaan oo laga siidaayay warbaahin kala duwan ma aysan sheegin nooca xanuunkiisa,waxay qaarkood sheegeen inuu baaris caafimaad samaynayay.

Egyptian President Hosni Mubarak, 2nd left, is flanked by Vice President Omar Suleiman, centre, along with various other members of the government on Egypt State TV Photo: AP/ Egypt State TV

Photo:File

.

Mr. Suleymaan ayaa waqti yar oo maalmo ah ahaa madaxweyne kuxigeen,wuxuuse soo qabtay madaxa sirdoonka malatariga iyo ka dalka Masar, waxaana lagu xusuustaa waa ninkii ku dhawaaqay in xusni mubarak uu ka dagay Madaxweyninimada Masar kadib markii uu ka dhacay dalkaasi mudaharaadyada iyo kacdoonada rabshadaha watay ee keenay isbadalka.
.
Mr. Sileymaan ayaa la sheegay inuu kabaxay kulliyad ciidanada ah oo ku taal Masar.
.

Cumar Sulaymaan ayaa soo noqday Madaxa sirsoonka Malatariga 1991 – 1993.

1993 – 2011 wuxuu ahaa Madaxa sirdoonka Masar.

29 January – 11 Feb 2011 Madaxweyne ku-xigeenka Masar.
.
sidoo kale wuxuu kasoo qayb qaatay wadahadaladii khilaafaadka Bariga dhexe ee Israaiil iyo Falastiinba.
.

Wakaaladaha, RT TV