Home > TFG Somalia, WARARKA > Warka Somalia – PM Gaas Oo Kulan La-yeeshay Odoyaasha Dhaqanka

Warka Somalia – PM Gaas Oo Kulan La-yeeshay Odoyaasha Dhaqanka

Thursday, July 19, 2012

Laaska News  July  19, 2012

Muqdisho –  Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof. Cabdiwali Maxamed Cali oo ay waheliyaan xubno Golahiisa Wasiirada kamid ah ayaa maanta kormeer ku tagay madasha uu shirku uga socdo Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed.

.
Warbaahinta dawladda oo kahadashay kormeerkaa ayaa sheegtay in sidoo kale ay weheliyeen xubno kasicda Beesha Caalamka.
.

Odayaasha dhaqanka ayaa ku hawlan soo xulista ergada ansaxinaysa dastuurka Soomaalia.

.

Wasiirada ku waheliya kormeerka PM ka ayaa lasheegay inay ahaayeena R/Wasaare Kuxigeenada ahna Wasiirada Gaashaandhigga,Ganacsiga,iyo Wasiirada kala ah Qorshaynta, Warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale iyo xubno beesha caalamka kasocday oo uu hor kacayay kuxigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya.

 

Warbaahintu waxay sheegtay in PM ku uu  madashaa kahadlay uuna odayaasha dhaqanka usoo jeediyay in looga baahan yahay waxyaalaha hawshooda ka shiman siday usoo dadajin lahaayeen.

 

Waxaa sidoo kale ka hadlay Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga iyo kuxigeenka Ergayga xog Guud u qaabilsan Soomaaliya warbaahinta qaranka oo kahadlaysana waxay sheegtay:

 

Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah C/llaahi Goodax Barre oo sidoo kale hadal ka jeediyay goobta ayaa ku booriyay Odayaasha in looga baahan yahay in maalinimada berito ah ay keenaan ergooyinkii ansaxin lahaa dastuurka si loogu diyaar garoobo dastuur ansaxinta.

Ku xigeenka ergayga qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo ka mid ahaa xubnihii la socday R/wasaaraha ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed looga baahanyah in ay soo dadajiyaan howlsha maadaama waqtiga uu yahay mid yar loona baahanyahay in wax waliba ay ku dhamaadaan waqtigii loogu talagalay.

RM.

 

 

 

 

 

 

Laaska News.