Home > WARARKA > Waxaan Gantaalo Ridayay Dagaalkii, Suuriya Ayaa Samaysay – Nasrulah

Waxaan Gantaalo Ridayay Dagaalkii, Suuriya Ayaa Samaysay – Nasrulah

Thursday, July 19, 2012

Laaska News July 19,2012

Hogaamiyaha xisbulaah ee reer Lubnaan ayaa ku dhawaaqay in gantaaladii lamagacbaxay “maa bacda xayfa” ee xisbulaha ay tuuraysay dagaalkii ay laga shay Israaiil , ay gantaaladaasi ahaayeen kuwo ay sameeyaan Suuriya, sidaana wuxuu kayidhi TV Ga.

.

Hadalkan wadaadka ayaa kusoo aaday iyadoo shalay qarax lala eegtay saraakiisha ugu sarreysa ciidamada  Suuriya  laguna dilay Wasiirka Gaashaandhigga , kuxigeenkiisi , Generaalo kale oo uu ku jira Asad Seedigii iyo saraakiil sare ee ciidamada ah.

.

Waxaa muuqata inaan waxba laysku qarsanayn, xisbulaahna ay si toos ah  ay usoo gali doonto dagaalka meel ay ka bilawdaba.

.

Haddaba makula tahay inaan wadadu kaa xidhmin haddaad kusugan tahay bariga dhaxe.

.

Dhinaca kale, waxaa dib u dhacay qaraar QM ay ku soo saari lahaayeen Suuriya shalay  oo dib ugu dhacay maanta oo khamiis ah.

.

Laaska News