Home > ALL DARWIISH NEWS, WARARKA > Saada Cali Oo Ka Baxday Isbitaalkii iyo Dhaawcii oo Mid Geeriyooday

Saada Cali Oo Ka Baxday Isbitaalkii iyo Dhaawcii oo Mid Geeriyooday

Sunday, July 22, 2012

Garowe, (Laaska News Jul.21) – Wararka Laga helayo magaalada Garowe ayaa kusoo waramaya in fanaanadda Saada Cali Warsame ay soo wanaagsanaanayso xaaladeeda caafimaad ayna galinkii hore ee maanta kabaxday Isbitaalka Garowe oo lagaga dawaynayay dhaawac kasoo gaadhay shil baabuur oo kadhacay  meel ka baxsan magaalada, galabnimadii shalay oo ay bishu ahayd  20 ka July 2012, shilkaas oo ay ku dhinteen laba qof oo midi uu ku dhintay goobta shilku ka dhacay, halka ka kalana uu habeenimadii ku geeriyooday Isbitaalka Garowe oo dhaawac ahaan lagu soo gaarsiiyay sida ay sheegeen mas,uuliyiinta caafimaadka oo warbaahinta la hadlay.

.
Labada qof ee dhintay ayaa la sheegay inay ahaayeen laba wariye oo dhalinyaro ah oo shilka ku waheliyay fanaanada Saada Cali.
.

.

Waxaana lagusoo waramayaa in labadaa wariye lagu aasay magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

 

 

Laaska News

 

Related:

Fanaanad Qaran – Saada Cali Oo Shil Gaadhi Ku Dhaawacantay Wadada Gaalkacyo – Garowe