Home > TFG Somalia, WARARKA > Shirka Ansaxinta Dastuurka Oo Furmaya 25 Ka July 2012

Shirka Ansaxinta Dastuurka Oo Furmaya 25 Ka July 2012

Tuesday, July 24, 2012

Laaska News July 24,  2012

Muqdisho, Jul.23 – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali ayaa sheegay in uu ku raja weyn yahay in shirka ansaxinta dastuurka uu furmayo 25 ka bishan.
.
Ra’iisal Wasaare Gaas waxa uu sheegay in inkastoo uu dhawr jeer dib udhacay furitaanka shirka lagu ansaxinayo dastuurka qabyada ah in ay hadda diyaar yihiin ergada ansaxinta dastuurka oo ay intoodii badnayd ay yimaadeen.
.

“Sida la’ii sheegay dastuurka ansaxintiisii waxay bilaabanaysaa bishan 25 keeda”.- BBC

.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiwali oo kaqayb galay shirka Odayaashaa dhaqanka ayaa sheegay “in 25 ka bishan uu si rasmi ah ufurmi doono shirka Ansaxinta Dastuurka cusub ee dalka”. RM -Warbaahinta Qaranka.

 

.

Waxaa kale oo la sheegay in kulankaa uu PM la qaatay odayaasha dhaqanka ay goobjoog ahaayeen xubno glohiisa wasiirada ah oo uu kamid yahay Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta sidoo kalana uu goob joog ahaa Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. Mahiga uu na halkaas hadal ka jeediyay.

.

 

Laaska News