Home > TFG Somalia, WARARKA > Somali PM Oo Lakulmay Odayaasha Dhaqanka,Kana Hadlay Dadajinta Ergada,Saamiga Haweenka 30%

Somali PM Oo Lakulmay Odayaasha Dhaqanka,Kana Hadlay Dadajinta Ergada,Saamiga Haweenka 30%

Tuesday, July 24, 2012

Laaska News  July 24,  2012

Muqdisho , July 23 – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiwali Maxamed Cali oo hadal ka jeediyay kulankii uu la yeeshay odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed July 23  ayaa odayaasha kala hadlay arrimo ay kamid yihiin soo dadajinta xulista ergada ansaxinta dastuurka,arrimaha haweenka iyo saamiga ay ku leeyihiin dawladda cusub.
.

Ra’iisal Wasaare Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa  kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed 23 ka July  2012, iyadoo uu dhawr jeer uu dib udhacay  waqtigii  u  furmi lahaa shirka  lagu ansaxinayo dastuurka cusub ee lagu wado in uu yeesho dalka Soomaaliya.

.

Waxaa la sheegay in kulankaa uu PM la qaatay odayaasha dhaqanka ay goobjoog ahaayeen xubno glohiisa wasiirada ah oo uu kamid yahay Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta sidoo kalana uu goob joog ahaa Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. Mahiga,sidoo kalana uu sheegay (Akhri:  in caalmku ogolaaday in Baarlamaanka laga dhigo 270).

.

Ra’iisal Wasaare Gaas oo odayaasha hadal ujeediyay ayaa waxa uu sheegay in odoyaasha looga baahan yahay in aysoo dadajiyaan xulista xubaha ka dhiman ergada ansaxinta dastuurka isla markaana aysan dib u dhac dambe ku keenin.

.

Akhri: Shirka Ansaxinta Dastuurka Oo Furmaya 25 Ka July 2012

.

Warbaahinta qaranka oo ka hadlaysa arrintaas ayaa sheegtay in PM Gaas uu u  sheegay Odayaasha Dhaqanka –

“in looga baahanyahay Odayasha dhaqanka in ay markale dib u dhac ku keenin soo xulista ergada ansaxineysa dastuurka dalka maadaama uu waqtigu yahay mid gabaabsi ah xukuumadana ay horyaalaan howlo badan”.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay  odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed arrimaha haweenka iyo saami 30% oo ay ku leeyihiin dawladda cusub,arrintaas oo la sheegay inay ogolaadeen odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayn ogol yihiin xaqa ay haweenku leeyihiin isla markaana aan la inkiri karin.

.

Warbaahinta qaranka oo ka hadlaysa arrintaas waxay sheegtay –

“R/wasaaraha ayaa Odayaasha kala hadlay arrimaha Haweenka ee ku aadan in 30% ay ku leeyihiin dowladda cusub” waxa ayna Odayasha sheegeen “in aan xuquuqda haweenka la inkiri karin ayna u ogolaanayaan”.