Home > TFG Somalia, WARARKA > Ra’iisal Wasaare Cabdiwali Oo Kormeeray Goobta Lagu Wado Inuu Kafurmo Shirka Ansaxinta Dastuurka

Ra’iisal Wasaare Cabdiwali Oo Kormeeray Goobta Lagu Wado Inuu Kafurmo Shirka Ansaxinta Dastuurka

Wednesday, July 25, 2012

Laaska News    July  25,   2012

Somali PM Dr. Abdiweli Mohamed Ali – RM

MuqdishoRa’iisal Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali oo horkacaya xubno golihiisa kamid ah ayaa waxay kormeer ku tageen shalay oo bishu ahayd July 24 goobta loogu talagalay inuu kafurmo shirka ansaxinta dastuurka,sida lagu sheegay warbaahinta qaranka Soomaaliya.
.

Goobtaas oo ah Dugsiga Booliska (Iskoolo Boliisiya),waxaana la sheegay in Ra’iisul wasaaruhu uu kulamo la yeeshay qaban qaabiyayaasha shirka halkaasna uu ka dhagaystay ama ay kudiiyeen warbixin,waxayna usheegeen Ra’iisul wasaaraha in agabkii loogu baahnaa loo soo dhamaystiray shirkuna uu furmi doono waqtigii loogu talagalay ee 25 ka Juulaay 2012.

.
Warbaahintu waxay raacisay in Ra’iisal Wasaaruhu uu kusoo wareegay qaybaha uu ka kooban yahay iskoolo boliisiya dhammaantiis.
.

Ugu dambeyntii Ra’iisal Wasaare Cabdiwali wuxuu uga mahad celiyay qaban qaabiyayaasha goobta shirka hawsha culus ay qabteen kuna dhamaystireen mudada yar.

 

Related:

“Baarlamaanka Somalia In Laga Dhigo 275″ – Beesha Caalamka Oo Ogolaatay – Ergay Mahiga

Shirka Ansaxinta Dastuurka Oo Furmaya 25 Ka July 2012

Somali PM Oo Lakulmay Odayaasha Dhaqanka,Kana Hadlay Dadajinta Ergada,Saamiga Haweenka 30%

 

Laaska News