Home > 10001, TFG Somalia, WARARKA > Somalia- PM Gaas,Ergay Mahiga Oo Kulan Laqaatay Odayaasha Dhaqanka – SAWIRRO

Somalia- PM Gaas,Ergay Mahiga Oo Kulan Laqaatay Odayaasha Dhaqanka – SAWIRRO

Wednesday, July 25, 2012

Laaska News July 25,  2012

Muqdisho Jul.24.2012 – Ra’iisal wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof. Cabdiwali Maxamed Cali-gaas oo ay waheliyaan xubno wasiirada kamid ah, Ergay Mahiga iyo xubno kasocda beesha caalamka ayaa maanta kulan laqaatay odayaasha dhaqanka kulankaas oo ujeedadiisu ahayd sidii loo dadajin lahaa “liiska Ergada Ansixinta Dastuurka si loo dhamaystiro diwaan galaintooda”.

.

Sida lagu sheegay warbaahinta qaranka ee (RM) hadal uu jeediyay Ergayga QM Dr.Augustine Mahiga wuxuu ku sheegay in loobaahan yahay dhamaystirka diiwaangalinta ergada lana dadajiyo  soo xulidda xubnaha  matalaya Baarlamaanka Soomaaliya.

UN Special Representative to Somalia, Ambassador Augustine P. Mahiga 

.

“Waxaana idinka codsaneynaa inaad baarlamaanka cusub ku soo xushaan sida ku cad Dastuurka, Waa inaad soo xushaan Baarlamaan tayo leh, kana bixin kara dhibka ku habsaday Soomaaliya 21 sano isla markaasna waxaa tihiin kuwii maanta ka saari lahaa dhibaatadaas, Waxaa tihiin Odayaashii Soomaaliyeed, waxaad mataleysaan dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, marka waxaa la idin ka sugayaa inaad soo xushaan Baarlamaan tayo leh.

Waxaad soo jeediseen codsi ku saabsan in Baarlamaanka laga dhigo 275 xubnood, hadii aynu nahay Beesha caalamka iyo dowladda KMG ah waxaan isla qaadanay in la tixgaliyo codsigiina lagana dhigo 275 xildhibaan” ayuu Yiri Mahiga.

Wuxaa  intaa la raaciyay in odoyaasha lagu wargaliyay in laga doonayo inay soo dadajiyaan xubnaha kamid noqonaya baarlamaanka cusub ee uu dalku yeelanayo si doorashada gudoomiyaha iyo kuxigeenadiisa ay u dhacdo waqtigii loogu talagalay.

Waxaan idinka doonaynaa inaad xubnaha Baarlamaanka aad soo dadajisaan,si bisha Agoosto 2 deeda loo helo liiska xubnaha Baarlamaanka cusub,si loo gudo galo markaa doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa.

Sidoo kale waxaa la sheegay  in odoyaasha laga codsaday inay tixgaliyaan saamiga 30% ee ay haweenku ku leeyihiin Baarlamaanka.

.

Waxaa kale oo aan idnka codsanayaa inaad tixgalisaan 30% ee haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin xildhibaanada Baarlamaanka,waayo waxaannu ognahay in dhibaatadii ka dhacday Soomaaliya ay saameynyta ugu badan ku yeelatay haweenka iyo caruurta.

Waxaa kale oo la sheegay in uu goobtaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Md. Maxamed Nuur Tarsan kuna booriyay ama ku dhiiri galiyay odayaasha dhaqanka.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Md. M. N. Tarsan – RM

” inay  soo xulaan Baarlamaan   aqoon iyo waayo aragnimo leh, si loo soo doorto madax wanaagsan oo dalka iyo shacabka Soomaaliyeed kasaari kara dhibaatada ku habsatay”.

Waxaa kale oo intaa la raaciyay in Mr. Tarsan uu daba dhigay hadal uu odoyaasha ku xusuusinayo inaan barri la’eersan, kaasoo ah .

Haddii aad soo dooran weydaan dada aqoon iyo wadaniyad leh,waxaad ogaataan in mustaqbalka Soomaliya loo eersan doono  odoyaasha dhaqanka ee halkan fadhiya.

Photo: RM

(Right)  Somali PM. Dr. Abdiweli Mohamed Ali,  (Left ) UN Special Representative to Somalia, Ambassador Augustine P. Mahiga.

(Right)  Somali PM. Dr. Abdiweli  Mohamed  Ali,  (Left ) UN Special Representative to Somalia, Ambassador Augustine P. Mahiga.

Somali PM Dr. Abdiweli Mohamed Ali – RM

Related Articles:

“Baarlamaanka Somalia In Laga Dhigo 275″ – Beesha Caalamka Oo Ogolaatay – Ergay Mahiga

Shirka Ansaxinta Dastuurka Oo Furmaya 25 Ka July 2012

Somali PM Oo Lakulmay Odayaasha Dhaqanka,Kana Hadlay Dadajinta Ergada,Saamiga Haweenka 30%