Home > TFG Somalia > Galinsoor Oo Laga Dhigay Degmo

Galinsoor Oo Laga Dhigay Degmo

Friday, July 27, 2012

Laaska News  July  27,  2012

Waxaa xukuumadda Soomaaliya ka dhigtay magaalada Galinsoor oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, degmo Buuxda sida lagu sheegay wareegto kasoobaxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya iyo wareegto faafin ah oo kasoobaxday Wasaaradda Arrimaha Gudahakadibna  lagu baahiyay warbaahinta qaranka.

Galinsoor ayaa waxay caan ku tahay goolad dad badan qabta una baahan in wax laga qabto,gooladaas oo waligeed khatar  ku haysay dadka deggan magaalada iyo dadka socotada ah labadaba.

.

Galinsooe waxay udhaxaysaa degmada Cadaado ee Gobolka Galhaduud iyo Bandiiradley oo ah Gobolka Mudug.

.

Qoraalkaas oo lagu qoray Warbaahinta qaranka ayaan filayaa inuu ahaa sidan

.

cinwaanka:

.

Wareegto Ka Soo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Oo Dagmo Buuxdo Loogu Aqoonsaday Galinsoor
 July 26, 2012 by Canab

Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dagmo buuxdo loogu aqoonsado Dagmada Galinsoor ee Gobalka Galgaduud.

.

Digreetada ayaa waxaa ay ka soo baxay wasaaradda aarimaha gudaha iyo amniga qaranka iyadoo ay ku lifaaqneed dikreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha waxa ayna u qorneed sida tan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka

Ku guddoomiyaha gobolka Galgaduud.

Ku dhamaan wasaaradaha xukuumadda FKMG ah.

Ku Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Ku taliyaha Nabadsugida Qaranka.

Ujeedo Baafin Dagmo cusub

iyadoo laga amba qaadayo xeerka Madaxweynaha LR. 045, ee 16/02/2012, kuna saabsan magacaabis dagmo cusub, waxaa loo aqoonsaday degmo ahaan degmada Gelinsoor oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Hadaba si loo hormariyo kaabayaasha dhaqaalaha, nabadgalyada, cadaalada IWM ee ay u baahantahay Dagmo, waxaa laga codsanayaa dhammaan hay’adaha dowliga in ay dhameystiraan baahida kaga aadan dagmada Galinsoor, waxaa qoraalkan ku lifaaqan  qoraalka wareegtada Madaxweynaha ee ay ku soo baxday magacaabistaas.

.

QoraalkaWareegtada Xafiiska  Madaxweynaha:

Xeerka Madaxweynaha J.S Lr,045 Taariikh 16/02/2012 magacaabis dagmo cusub.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda J.S

Markuu arkay qodobka 39aad xarafka “A” iyo farqada labaad ee isla qodobkaan.

Markuu arkay xeerka Lr.6 ee 12ka febraayo 1980

Markuu arkay warqadda wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Lr WAG&AQ/XW/0155/12 ee Fabraayo 14/2012 kuna saabsan soo jeedin magacaabid dagmo.

Waxuu soo saaray xeerkan soo socda

Qodobka 1 aad

Waxaa la ogolaaday in Gelinsoor oo ka tirsan gobolka galgaduud loo aqoonsado dagmo laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 16 febraayo 2012.

Qodobka 2aad

Xeerkan waxuu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Dikreetada ayaa waxaa ku saxiixnaa:

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

RM.