Home > TFG Somalia, WARARKA > Madaxwyne Shariif Oo Afur Sharafeed u Sameeyay Haween Soomaaliyeed oo Gudaha Iyo Dibadda Kayimid

Madaxwyne Shariif Oo Afur Sharafeed u Sameeyay Haween Soomaaliyeed oo Gudaha Iyo Dibadda Kayimid

Sunday, July 29, 2012

Laaska News  July 29,  2012

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Md Sheekh Shariif Sh. Axmed oo ay waheliyaan Gabdhaha Koowaad ee dalka iyo Wasiirka Haweenka ee ayaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya   afur-sharafeed ugu sameeyay haween Soomaaliyeed oo isugu jira kuwo ka yimid gudaha iyo dibadda dalka.

.

Afur- Sharafeedkan oo uu madaxweyne Shariif ku sharfay gabdhaha Soomaaliyeed oo  la sameeyay  28/7/2012 ayaa wuxuu kusoo  aaday xilli  afuro ramadaan ah oo ay dadku soomanaayeen,bishuna ay tahay bil barakaysan, sidoo kalana lagu jiro waqtiga ay dawladda TFG du ugu shaqo badan tahay maadaama dalku doorasho iyo dagaal uu ku jiri isla markaana marka loo eego waqtiga   madaxweyne Shariif iyo xukuumaddiisa  ay u hadhayn yihiin maalmo,una taagan yahay doorasho!

.

Waxaa la og yahay in ilaa hadda cid kaga  horreysaa doorashada Madaxweyne Shiikh Shariif aysan jirin ama la rikoodh ah! sidaa waxa qaba  khuburo ka tirsan Laaska news and analysis,waxayna ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan warkaa xilligan.
.

Afur-Sharafeedkan ama munaasabaddan uu Madaxweyne Shariif u sameeyay haweenka (Gabdhaha) Soomaaliyeed ayaa ahayd mid si weyn loo soo agaasimay sida aannu wararka kuhelayno,waxaana Madaxweyne Shariif ku wehliyey munaasabaddaa Marwooyinkiisa iyo sidoo  kale Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Maryan aweys Jaamac sida lagu sheegay warbaahinta Qaranka.
.

Waxaa sidoo kale la sheegay haweenka ama gabdhaha Soomaaliyeed ee afur-sharafeedka kaqayb galay inay u badnaayeen kuwo kunoolaa dalka dibaddiisa ama Qurbo joog.
.
Afurka kadib,waxaa goobta munaasabadda laga jeediyey khudbado kala duwan oo ay jeediyeen qaar kamid ah  haweenkaa Soomaaliyeed ee kaqayb galay ,Wasiirka Haweenka,sidoo kale waxaa khudbad dhimacyo badan taabanaysa ka jeediyay Madaxweyne shariif sida ay qortay warbaahinta Qaranka.

.

Wuxuuse hadal ku dhan yahay hadalka ay jeedisay Khadra oo ah qof dawlad yaqaan ah kana timid Garowe,waxayna tidhi

“aynu doorano mar kale”.

Kalkan ka Akhri Mr. Jeyte oo Warbaahinta Qaranka ah Qoraaladii uu ku qoray Khudbadaha oo aan soo koobnay:

Hooyo Khadro oo ah hooyo Soomaaliyeed oo iyana katimid magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa ka jeedisay khudbad qiiro leh munaasabdda Afur-sharafeedka

“aniga xaaladda wadanka ka jirtay goob joog ayaan u ahaa inta Madaxweyne ee Soomaaliya soo martayna aadbaan u garanayaa lagasoo bilaabo Allaha U  Naxariistee Maxamed Siyaad Barre dadku waxey I oran jireen jaajuus baad u tahay intii burburku dhacayna si weyn baan madaxweynayaashii inasoo maray u aqaan waana la kulmi jirey oo siyaasadooda waan ogaa meesha aynu maanta joogno waa meel mudan inaan kasii socono waxaanna heysanaa fursad weyn taasi oo ah Madaxweyne daacad ah Allena yaqaana waxaan idinku oran lahaa haddii aan caddaalad rabno yeynaan iska sii deyn, oo aynu markale dooranno, isagaa intaan ina keenayee”.

Maryan Jaceyl:

Ugu horeyn Maryan Jaceyl oo ay si weyn bulshada Soomaaliyeed u yaqaanaan islamarkaana sanadihii ugu dambeeyey ku nooleyd dalka UK ayaa khudbad ay ka jeedisay Munaasabadda ku faah faahisay nolosha ay ku sugan yihiin Soomaalida Qurbaha ku nool waxaana ay tiri:

“Qof walba wuu ogyahay dhibaatada heysata Soomaalideenna Qurbaha ku nool waxaana ugu wacan dhibaatada dalka ka dhacday , walaalayaaloow maalin walba shalaay kuma jiri karno waayo madaxweynayaashii nasoo maray dhammaantood markey naga tagaan waan u qoomameynaa laakiin maanta waxaan heysanaa Madaxweyne aanay waxqabadkiisa nasoo marin 21kii sano ee lasoo dhaafay waxaanna idinku guubaabinaa nidaamka Dowladnimo aan ku mintidno oo yeynaan Madaxweynaha iska deynin si’aan meeshaan ugasii socono”

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Xukuumadda Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac

“maanta waxbadan waala qabtay waxkalena waay aynoo harsanyihiin oo aan ku rajo weynnahay in la qaban doono,haweenkan dalka dib ugusoo laabtay ee ka yimid qurbaha waxaa looga fadhiyaa iney ka qeybqaataan hormarka dalkooda dowladdana fursadaas wey siineysaa”ayey tiri

Marwo Maryan Aweys Jaamac Wasiirka Wasaaradda Haweenka oo hadalkiisa sii raacisay codsi ay Madaxweynaha kaga codsatay

“inuu ka dhabeeyo ballanqaadkiisa ku aadan inaanay odayaasha beelaha laga ogolaan liisaska ay keenayaan hadii aysan ku jirin intii Haweeenka Soomaaliyeed ay xaqa u lahaayeen”.

Madaxweynaha oo Khudbad Ka Jeediyay Munaasabadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Munaasabadda ugu dambeyn khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyey ayaa ugu horeyn ku ammaanay Haweenka Soomaaliyeed sida ay ugusoo adkeysteen islamarkaana ugusoo dulqaateen dhibaatooyinkii kala duwanaa ee uu dalku soo maray.

“Haweenka Soomaaliyeed shaki kuma jiro waa laf dhabarka bulshada oo aan sheeko aheyn oo hubaal ah hadaan si cilmi ah u dul istaagno qof walba wuu ku qancayaa waayo marxalad walba oo dalku soo maray lagasoo bilaabay gobonimadii waxey dalka ku leeyihiin door muuqda waxaana qirsanahay iney culeys badan dhabarka u riteen ayagoo aanay garab buuxa u helin”ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha oo sii watay hadalkiisa ku aadan doorka Haweenka ay marxaladihii dalka ku lahaayeen ayaa markale yiri

“nasiib wanaag waxaa inoo ah in haween fiyoob,maskax furan,firfircoon,caqli leh ,wadanina ah iney Soomaali leedahay maanta taas Soomaaliya sharaf ayey u tahay anigana sharaf ayey ii tahay”.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kasoo sheekeeyey doorkii haweenka Soomaaliyeed ay ku lahaayeen isbedelkaan maanta jira, lagasoo bilaabo xiligii magaalada Muqdisho ay mugdiga u aheyd ee dadka inta la afduubto lacag laga qaadan jiray waxaana uu qiray in markii rag uu ka mid ahaa ay bilaabeen iney u istaagaan sidii magaalada Muqdisho looga saari lahaa dhibaarada dadkii ugu horeeyey ee usoo gurmaday amaba taageeray halgankaasi iney ahaayeen Haween Soomaaliyeed oo ay ka mid aheyn Alle ha u naxariistee Madiino Janaraale.

“Dowladaan markii lasoo dhisay oo Jabuuti lagusoo dhisay anaga wax lacag ah meynaan heyn waxaan xitaa xiligaasi weynay dhaqaalihii ay Dowladdu Muqdisho ugusoo guuri laheyd waxaan u yeernay Haween ay ka mid tahay Khadiijo Cosoble oo halkaan fadhida ayagaana dhaqaalahii ay Dowladdu kusoo guuri laheyd keenay oo nagu taageeray la’aantoodna dowladdu ma aysan caga dhigateen,ganacsatana dhaqaale ayaan ka deensanay waanna uga mahad celineynaa” ayuu yiri Madaxweynaha oo ka hadlayey doorka Haweenka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale khudbadiisa uga hadlay bilowga marxaladihii kala duwanaa ee ay Dowladdan soo martay waxaana uu yiri

“ magaaladan markii aan nimid dadka fikirkoodu aad ayuu u wareersanaa dowladnimadu waxey tahay iyo diinta labo ayey ukala ahaayeen,Seddexdii bilood ee ugu horeysay waxaan xooga saarnay inaan dadka wacyi gelinno taasna waxey keentay in mudo seddex bilood ah magaaladan aanay xabad ka dhicin,maadaama ay shabaab iyo Al-Qaeda dhagarqabeyaal ahaayeen waxey daraasadeeyeen in hadii nabadaas sii socoto dadka iyo dowladdana is fahmaan in dowladnimadu caga dhiganeyso sidaas ayeyna dagaallo iyo kharibaad u bilaabeen”

“ waxaad la socotiin in burburkii dalka ee 20ka sano ay keeneen waxyaabo badan oo ay ka mid aheyd in guud ahaanba dalku burbursanaa,iney jireen dowladdo u arkay iney wax ku helayaan burburkaas dalku ku jiray laakiin Alle mahadii waxaan ku guuleysanay in dowladdu caga dhigato,shaqo bilowdo,ciidammada qalabka sida aan dib u dhisno sida booliiska,nabad sugidda iyo meleteriga, Amisom iyo Ciidammada Dowladdana ay wada shaqeeyaan” ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha oo sii watay hadalkiisa ku aadan saameyntii burburka iyo bilowgii dowladnimo ayaa yiri

” nasiib wanaag wacyiga dadka waxaan ku guuleysanay mudo kadib Alle mahadii iney dowladnimadii fahmaan,waxaa kale oo aad la socotiin maadaama aysan dadku aheyn dad soo wada shaqeeyey iney badnaayeen khilaafaadkii xiligaasi imaanayey ayagana waalagasoo gudbay,al-shabaab iyo Al-Qaedana waalaga adkaaday,dadkuna fahamkoodii dowladnimo wuu kordhay ilaa ay cadawgooda gartaan ilaa aan soo gaarnay marxaladda aan caawa joogno oo aan halkaan si nabad ah ku wada joogno”

Mar uu Madaxweynaha ka hadlayey shirka hadda Muqdisho ka socda waxa uu yiri

“shirweynahan hada Muqdisho ka socda howshiisu ma ahan mid aan shalay bilownay waxaan ololaha ku aadan in shirarkii dibadda lagu qabanayey dalka loosoo weeciyey bilownay xiligii ay jirtay xukuumaddii tan ka horeysay ee Farmaajo uu hogaaminayey Allena wuu nagu guuleeyey dadaal dheer kadib in maanta Muqdisho ay ka socdaan shirarkii mustaqbalka dalka looga hadlayey oo aanay dibad lagu qaban”

Madaxweynaha oo ka hadlayey rajadiisa soo socota ee mustaqbalka dhow waxa uu yiri

“ waxaan ku kalsoonahay dhammaan dadaallada socda inta ka hartay inaan dhameystiri doonno hadii sidaan aan iskusii kaashanno,haweenka Soomaaliyeedka Dowladdan soo socoto waxey ku yeelan doonaan 30% waxaanna u ballan qaadayaa welibo hadii aan ku guuleysto xilka markale iney tiro badan ku yeelan doonaan golaha Wasiirrada Insha Allah si aan haweenka aqoontooda uga faa’ideysano”

Madaxweynaha oo ka hadlayey saameynta iyo faragelinta hay’adaha iyo dowladaha caalamka waxa uu yiri

“nasiib darro waxaa jirtay in hay’adihii iyo dowladihii faragelinta ku hayey Soomaaliya intii aan kusii jeednay Al-Shabaab iyo Al-Qaeda ayagana anageey nagusii jeedeen waayo waxey arkeen inaan ka gudubnay waxyaabo badan oo ay islahaayeen wey ku dhacayaan oo kama gudbi karaan,waxey arkeen inaan taabanay meello aan lataaban jireen,waxey arkeen ineen xuduudaheenna usoo jeedno waxeyna dhigteen isbaaro,dal marka uu dagaal ka socdo dhaqaale ayuu u baahanyahay waxaa jooga ganacsatadii aan dhaqaalaha ka deensanay welina meynaan siin anaga iyo dowladihii naga horeeyey waxaanse leeyahay hadeey dowladnimadu noo istaagto dhaqaalle waan keensaneynaa waxaan rabaa marka inaan iswaafajino inaan anaga ganacsatadeenii deyn ka qaadano iyo in nalagu sheego inaan dhaqaalle dhacno taasna waa qeyb ka mid ah cadawgii dabinkaas iyo isbaaradaas watay”

Madaxweynaha oo arintaas hadalkiisa ku aadan sii watay waxa uu markale yiri

“ kuraastaan anaga masii fadhineyno waan ka tageynaa laakiin u jeedada ay leeyihiin waa dowladdan wax qabatay iyo dadka iney istusaan si dowladdan wax badan oo dalka laga qasi jirey xisaabisay si’ay meesha uga baxdo waxaanna idiin xusayaa si aan dhaqaalle isdaba marin u dhicin inaan howlgelinay bangigii iyo hay’addo kale ilaa maanta aan taagannahay in wasaaraddeenna Maaliyadda ay awood u yeelato iney xisaabiyaan 100$ hadii ay dalka soo gasho iney xisaabiso lana ogaado halka ay ku baxeyso”

“anaga waxaa nagu filan oo qof kasta oo soomaali ah caqlina leh ku filan iney dowladnimadeenna soo laabato oo aan noqono dal wax qabsan kara, iskuna tiirsan taas hadaan helnana waxaan aaminsanahay inaan cadaw walba ka adkaan karno oo raba iney nagu celiyaan meeshii aan shalay joognay ee wadadii burburka si’ay iyaguna tooda u fushadaan” ayuu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyntii waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed baaq u diray guud ahaanba dadka Soomaaliyeed gaar ahaanna qurba joogta

” waxaan aaminsanahay dhibaato nagu filan waan soo marnay qof walba oo Soomaali ahna wuu ogyahay maanta dowlad la’aan dhibaatada ay leedahay waxaan leeyahay dadka aan ulaabano qarannimadeenna oo aan difaacanno dowladnimadeenna inagoo dhibaatooyinkii inasoo maray iska cafineyna,qurba joogtana waxaan leeyahay dalkiinna kusoo laabta oo dadkiinna ugu faa’ideeya cilmigii aad soo barateen waxaanna u baahanahay inaan xaqiijinno inaanan lumin fursadda aan heysano”

Waxaad  si faahfaahsan warka munaasabaddaa iyo khudbadahaba iyo suuradaba aad sidoo kale kadaawan kartaa warbaahinta Qaranka ee Radio Muqdisho .