Home > 10001, Socdaalka Gudaha, WARARKA > Madaxweyne Shariif Oo Ku Dhawaaqay tallaabooyin ay Dawladdu ka Qaadatay Xaaladda Afgooye – SAWIRRO

Madaxweyne Shariif Oo Ku Dhawaaqay tallaabooyin ay Dawladdu ka Qaadatay Xaaladda Afgooye – SAWIRRO

Tuesday, July 31, 2012

Laaska News   July  31,  2012

“Tallaabadaasi waa bilaabatay dadkii lagu eedeeyay dad kamid ahna tallaabo ayaa lagag qaaday intii aan meesha wada joognay”- President Sharif

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Sheekh Shariiff Sheekh Axmed ayaa  jawaab degdeg ah kabixiyay cabashada ay u gudbiyeen shacabka ku dhaqan Afgooye xilli uu shalay uu kormeer gaaban ku tagay magaalada Afgooye kadib markii dadka deegaankaasi ay madaxweynaha iyo wafdigiisii ugudbiyeen eedeymo ku lid ah qaar ka tirsan ciidanka dawladda oo qawlaysi kula dhaqaaqay shacabka halkaa ku dhaqan ee Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay “Tallaabadaasi waa bilaabatay dadkii lagu eedeeyay dad kamid ahna tallaabo ayaa lagag qaaday intii aan meesha wada joognay”.

Madaxweynaha iyo wafdigiisu waxay kulamo laqaateen odoyaasha iyo mas’uuliyiinta magaalada, Gudoomiyaha Degmada iyo wax garad kale,waxaana warbixin halkaa ka jeediyay isagoo ilmaynaya Gudoomiyaha Degmada Afgooye Md. Cabdullaahi Axmed Iideey

Madaxweynae Shariif wuxuu sheegay in dawladdiisu ay tallaabo ka qaaday arrintaas,waxaana  hadaladiisii oo ay lalisay BBC du  ka mid ahaa:

Cabashooyinka aad noo sheegteen waxyaabaha nakeenay ayay ku jireen maxaa yeelay!warku waa nasoo gaadhay,waxaan fallanqaynay qodobadii aad soo jeediseen.

Waxaan isla garanay marka koowaad dadka reer afgooye in dawladdu si rasmi ah cudur daar u weydiisato dhibaatooyinka ku dhacay darteeda, kana raali galiso wixii ku dhacay.Arrimahaasi arrimo ay dawladdu ogoshahay aysan ahayn,aysan waafaqsanayn hadafkii iyo ujeedadii dawladda,dadkii ku kacayna lagama maarmaan ay tahay in cadaaladda la hor geeyo.
.

Tallaabadaasi waa bilaabatay dadkii lagu eedeeyay dad kamid ahna tallaabo ayaa lagag qaaday intii aan meesha wada joognay.
.

Midda kale waxaan isla garanay in laga jawaabo codsogiinii ku saabsanaa inaad heshiin xaafad kasta inay hesho dad ay yaqaaniin oo dadkoodii ah,oo ayaga iyo dawladda isku xidha, amnigana gacan kagaysta, arrintaas waxaa loo xilsaaray agaasimaha nabadsugidda.

Ciidankaasna magaciisa waxaan kusoo dhawaynay “ciidanka ilaalinyta dariska” waana la rasmiyayn doonaa.

Ciidankaas wuxuu ka imaanaya shacabka.

Dadkaa waxyaalaha looga baahan yahay waa inay noqdaan dad nadiif ah oo lagu yaqaan wanaag,oo aan looga shakisnayn tuuganimo, budhcadnimo, shabaabnimo, alqaacidanimo.

BBC.

Photo: RM

Laaska News

Related:

Madaxweyne Shariif Oo Socdaal Kutagay markii Labaad Afgooye

May 29, 2012

Madaxweyne Shariif Oo Booqday Afgooye,Kana Nabad Galay Weerar Jid Gooyo ah