Home > Faallo, WARARKA > Wasaaradda A Gudaha Ha Loo Daayo Shaqadeeda, Haddii La Doonayo Qawlaysatada In Laga Sifeeyo Afgooye Iyo Ciidanka Dhexdiisa

Wasaaradda A Gudaha Ha Loo Daayo Shaqadeeda, Haddii La Doonayo Qawlaysatada In Laga Sifeeyo Afgooye Iyo Ciidanka Dhexdiisa

Tuesday, July 31, 2012

Laaska News July  31,  2012

Warka kasoo yeedhay Afgooye ee ah cabashada  ay shacabka Afgooye ee uu hor kacayo Gudoomiyihii Degmada Afgooye ay ugudbiyeen madaxweynaha iyo wafdigiisi kormeerka ku tagay 30/7/2012 waxay ciddii maqashay ay  ku noqotay la yaab iyo fajaciso,kadib markii la maqlay Gudoomiyihii  Degmada oo ilmaynaya ayaa eedeeymo usoo jeediyay qaar ka tirsan ciidanka,kuna eedeeyay inay geysanayaan jidhdil,kufsi iyo dhac.

.

Arrintaas  inkastoo uu  markiiba madaxweynahu uu odoyaasha ka raali galiyay uuna goobta ka sheegay in dawladdu ay tallaabo ka qaadatay haddana dadka u dhuun daloola siyaasadda iyo arrimaha  ka taagan Soomaaliya iyo jaahwareerkeeda waxay ku talinayaan in lakala saaro shaqada wasaaradda Gaashaandhigga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

.

Sidoo kalana ciidamada dib u habayn lagu sameeyo,loona daayo wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka shaqadeeda lana siiyo awood ay ku qaban karo ciidanka falka gaysta  nooc uu doono hanoqdee malatari ama Booliis ku doono.

.

Haloo daayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Shaqadiisa, waa nin ka adag shaqadiisa,waxna ka qaban kara qawlaystada ku dhex jirta ciidamada ee kusugan Afgooye iyo Muqdishaba ee shacabka Soomaaliyeed ugu dhuumanaya dawladnimo.

.

Haddii kale waxa lays waydiin doonaa war TFG da iyo Puntland ama Somaliland kee dawlad ah? Qaran Soomaaliyeedna kee  noqon kara?Shacabkana badbaadin kara?

.

Waxayna ku dambeyn oo macnaheedu noqonayaa Soomaaliya kala tagaay!!!!

.

Sida hadda loo galiyay caasimaddii Soomaaliya ee Muqdisho hadalka, si kadaran ayay noqon doontaa dawladda Soomaaliya ee Muqdisho ka talisaa,mana jirto cid aamini doonta  xukuumaddaa iyo meel ay kataliso.

Sidaana waxaa qabta koox saadaalisa oo darista dhacdooyinka.

.

Guuleed

Laaska News

Related: