Home > Shirarka, WARARKA > Golaha Qaran Ee Ansaxinta Dastuurka Oo Soo Gabagabeeyay Doodo Ay Ka Yeesheen Qodobada Qaarkood

Golaha Qaran Ee Ansaxinta Dastuurka Oo Soo Gabagabeeyay Doodo Ay Ka Yeesheen Qodobada Qaarkood

Wednesday, August 1, 2012

Laaska News  Aug. 1,2012

Muqdisho – Golaha Qaran ee Ansaxinta Dastuurka Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay doodo ay ka yeesheen qodobada dastuurka qaarkood muddo saddex cisho ah.Waxaa lagu soo waramaya in 10 guddi oo loo qaybiyay ergada ansaxinaysa dastuurka oo muddo 3 cisho ah  ka doodayay 10 qaybood oo ku jira dastuurka ay soo gabagabeeyeen  31/7/2012. Guddi walbaana aragtida uu kaqabo(diidis,wax kabadalid, ku raacisba ama soo jeedin) uu usoo bandhigay ergada kale.

.
Waxaa kale oo la sheegay in dooda gabagabada ah ee Guddiyadu ay ka doodayeen qodobadaa ay kala qayb qaateen qaar kamid ah Golaha Wasiirada.
.

Faahfaahin dhaaraad ah lagama hayo waxyaalaha ama qodobada ay isla meel dhigeen ama ay ka qabaan in wax laga badalo ama ay ku kala tagsan yihiin ama ay soo jeedinayaan.

.
Waxaase loo badinaya in qodobada intoodii badnayd ay meel isla dhigeen oo aysan aragtidoodu intooda badan aysan kala fogayn.
.

Waxaana soo baxaya warar sheegaya in dhawaan loo codeeynayo dastuurka oo ay ergada lagu magacaabo Golaha Qaran ee Ansaxinta Dastuurku ay u codeeyaan.Waxayna ubadan tahay in August 1,2012 ay noqoto codayntii,inkastoo uu jiro jadwal degsan oo la doonayo inaysan shaqo walbaaba la fuliyo waqtigii loo dajiyay haddana haddii laysku waafaqo in hadda qoraalka wax laga badalo ama lagu daro ay ubaahanayso waqti dheeraad ah oo qoraalada lagu hagaajiyo.

.

Laaska News

Related Articles: