Home > Baargaal > Urur Cusub Oo Degaanka Baargaal Looga Dhawaaqay + SAWIRRO

Urur Cusub Oo Degaanka Baargaal Looga Dhawaaqay + SAWIRRO

Thursday, August 2, 2012

Laaska News  August  2,  2012

Baargaal – Waxaa si rasmi ah looga dhawaaqay Degaanka Baargaal urur cusub oo magaciisa marka lasoo gaabiyo la yiraahdo “ACDO”  (Action Community for Development Organization)  ururkan oo ka shaqayn doona arrimaha bulshada sida wax barashada, daryeelka caafimaadka , ka shaqaynta deegaanka Baargaal iyo Nawaaxigeeda ,  horumarinta dalka iyo kobcinta garaadka dhalinyarada oo waqtigan u baahan in dhinacyo badan laga baraarujiyo.

Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay xarunta ururka ayna ka qeybgaleen dhalinyaro , Masuuliyiin kasocotay Maamulka iyo Dawlada Hoose ee Degmada baargaal,  Nabadoono,Ganacsato,Culimo,Waxgarad iyo marti sharaf kale .
Munaasabadaas oo ay hadalo ka jeediyeen  masuuliyiintii kasoo qayb gashay Xafladda,hadaladaas oo u badnaa dhiirigelin iyo bogaadin ayaa waxay diiradda ku saareen qiimaha ay bulshada u leedahay wadajirka iyo midnimada.

Muddadii ay socotay munaasabaddaasi ayaa lagu soo bandhigay, waxqabadka ururkaas mudadii yareed ee la waday abaabulkiisa, asagoo ururku maalmo kahor furitaankiisa uu olole ballaaran oo ay iska kaashadeen maamulka Degmada Baargaal ka sameeyeen  ‎Wadooyinka, Suuqyada iyo Banaanka Magaalada Baargaal.

Ololahaas oo ay Ka qayb galeen  dadweynaha Degmada Baargaal iyo ururka ACDO ayaa waxaa ‎ujeedadiisu ahayd sidii dib loogu nadiifin lahaa gudaha magaalada Baargaal iyo banaankeeda  si ‎ay mar kale  u soo muuqato  bilicdii ay lahayd magaaladu , waxaana ololahani uu ahaa mid si ‎weyn loo soo abaabulay isla markaana ay horseed Ka ahaayeen
Xubnaha Ururka ACDO.‎

Urur dhisidan ayaa ku soo beegmaysa kagadaal markii ay arkeen dhalinyaradu in deegaankooda iyo dadkoodaba aan waxba loo qabanahayn, hadayan ayaga bilaabin inay wax qabsadaan iyo sidii aan dib dambe loo majara habaabin,ayna ka tashanayaan ayahooda iyo mustaqbalkooda islamarkaana ay taageerayaan wax alaale wixii degaanadan  wax uqabanaya.
Intaasi kadib waxaa la gudagalay in loo codeeyo musharaxiintii isu soo taagtay xilka hoggaanka ururka dhaqdhaqaaqa horumarinta arimaha bulshada ACDO , kuwaas oo ahaa ku dhawaan ilaa Saddex xubnood, iyadoo musharax waliba uu soo bandhigay waxqabadkiisa mustaqbalka haddii la doorto.

Doorashada oo si deggan ku dhamaatay ayaa waxaa ku guuleeystay in uu noqdo guddoomiyaha cusub ee ururka ACDO  C/risaaq Maxamuud Siciid.

.

Si kastaba ha ahaatee dhalinyaradu waa lafdhabarka bulsha kasta waxeyna gacan ka geystaan barnaamijyada horumarineed ee degaankooda, iyadoo magacaabista ururkan loo arko in uu horseed u noqon karo
horumarin ku timaada arimaha bulshada deegaanka.
By:Maxamed ibrahim Axmed
Baargaal/Gobolka Bari.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Fg; Suuradaha dib ayaa laga sharxi doono