Home > Baargaal > Baargaal Oo Siweyn Looga Xusey Munaasabada 14 – Guuradii Kasoo Wareegtey Aasaaska Puntland – SAWIRRO

Baargaal Oo Siweyn Looga Xusey Munaasabada 14 – Guuradii Kasoo Wareegtey Aasaaska Puntland – SAWIRRO

Friday, August 3, 2012

Laaska News August 3,2012

Baargaal, (Aug.1)- Waxaa Degmada Baargaal ee Gobolka Bari si weyn looga xusey munaasabadda 14 guuradii ka soo wareegtey aasaaska Puntland iyadoo dadweyne aad u tiro badan iyo mas’uuliyiin ay ka soo qeyb galeen dabaal daggaas oo siweyn loo soo agaasimey.

Fagaaraha weyn ee Baargaal ayaa lagu qabtey xaflad aad u ballaaran oo si weyn loosoo agaasimay,waxaana hadalo ka jeediyay masuuliyiin kala duwan oo ay kamid ahayeen Masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Degmada Baargaal,Masuuliyiinta Ciidamada PMF, Nabadoono, sidoo kale Masuuliyiin u hadashay ururada Bulshada,ururada dhalinyarada,ururka barakacayaasha iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Xafladdaas sida heerka sare ah loo agaasimay ayaa ku bilaabatay gaadakaciyaar ay sameeyeen Ciidamada police-ka iyo Ciidamada Badda Puntland oo ku maray qaybo kamid ah magaalada

,sidoo kale ururada Dhalinyarada oo uu hogaaminaayay ururka dhaqdhaqaaqa horumarinta Arrimaha Bulshada (ACDO), ardeyda iyo hooyooyinka oo dhar bilicsan qaba ayaa iyaguna socod ku maray Fagaraha kuwaas oo sitey boorar kala
duwan oo ay ku qoran yihiin erayo lagu waynaynaayo maalinta 1da August.

Masuuliyiintii halkaas hadalada ka jeediyay ayaa hambalyo u diray bulshada degaanka iyo Dhamaan shacabka Puntland, kana waramay ahimiyada maalintan u ledahay umadda puntland, ayagoo islamarkaa
dadwaynihii kasoo qayb galay xafladaad ku booriyay in ay xoogga saaran nabadda iyo midnimada.

Machadka Caafimaadka -Bargal

Maxamed ibrahim Axmed
Baargaal

Fagaaraha Baargaal oo uu si weyn uga muuqdo Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, ( Guul iyo Gobonimo ) – Hambalyo – by Laaska News

This slideshow requires JavaScript.