Home > 10001, Socdaalka Gudaha > Madaxweyne Shariif Oo Kormeeray Balcad,Lana Kulmay Waxgarad Iyo Warka Warshaddii Balcad- Aug 1,2012 – SAWIRRO

Madaxweyne Shariif Oo Kormeeray Balcad,Lana Kulmay Waxgarad Iyo Warka Warshaddii Balcad- Aug 1,2012 – SAWIRRO

Friday, August 3, 2012

Laaska News  August 3, 2012

Madaxweyne Soomaaliya Md. Sheekh Shariif shiikh Axmed oo socdaal ku tagay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhexe Aug.1,2012 ayaa lasheegay inuu halkaa kula kulmay waxgaradka kusugan deegaankaas.


.

Madaxweyne Shariif oo hadal ujeediyay odayaasha iyo waxgaradka deegaankaas ee uu kulanka la qaatay ayaa la sheegay in arrimaha uu kala hadlay ama uu ku booriyay ay kamid ahaayeen adkaynta nabadgalyada, horumarinta adeegyada bulshada.
.
Madaxweyne shariif ayaa sidoo kale carabka kudhuftay in dhawaan warshadda Balcad la hawl galin doono,ugana mahadnaqay muwaadiniintii isku hawlay inay ilaaliyaan hantida Qaranka,sida lagu sheegay warbaahinta qaranka Aug. 1

.

Booqashada uu Madaxweyne Shariif uu ku tagay Degmada Balcad ayaa la sheegay inay ku weheliyeen Wasiiro iyo madax sare oo xukuumadda ah oo laga magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Eng Axmed Macalin Fiqi.

Photo: RM