Home > Shirarka > Shirkii Golaha Qaran Ee Dastuurka Oo Dhamaaday (August 2,2012)

Shirkii Golaha Qaran Ee Dastuurka Oo Dhamaaday (August 2,2012)

Friday, August 3, 2012

Laaska News Aug.3 1,2012

Muqdisho – Shirkii Golaha qaran ee Ansaxinta Dastuurka Soomaaliya ee kasocday xaruunta shirka ee dugsiga Booliska (Iskoolo Boliisiya) ee Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,ayaa lasoo gabagabeeyay shalay, shirkaas oo socday 25 July – 2 August,2012.

.

Waxaana munaasabadda xidhitaanka shirkaa ka qayb galay sidoo kalana khudbado kajeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Md. Sheekh Shariif Sh.Axmed,Afhayeenka Baarlamaanka Md. Shariif Xasan,PM Cabdiwali,sidoo kale qaarkamid ah Golaha Wasiirada oo ay kamid yihiin Wasiirka Dastuurka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Maaliyadda.

.

Mudada uu socday Shirkaas waxaa ka qayb galay ergooyin ay soo xuleen odoyaal dhaqameedyo muddo shir uga socday magaalada Muqdisho oo loo xilsaaray xulista ergooyinka Ansaxinta Dastuurka National Constituent Assembly,waxayna ergadaasi uu shir usocday 25 kii Luulyo – 2 dii Ogosto,waxayna shir ay yeesheen 1 dii August 2012 ku ansaxiyeen dastuurka Soomaaliya,kadib markii Ergada oo guud ahaan tiradoodu ahayd 825 ay 645 kamid ahi ay shirkaa kasoo qayb galeen oo ay yimaadeen, goobjoogna ay ahaayeen waqtiga codaynta,waxayna  623 Ergay ay u codeeyeen haa. (Akhri:Dastuurkii OO Muqdisho Maanta Lagu Ansaxiyay)

.

Related Articles: