Home > TFG Somalia > Somalia – Shirkii Saxiixayaasha Roadmap-ka Iyo Clinton Oo La Soo Gabagabeeyay

Somalia – Shirkii Saxiixayaasha Roadmap-ka Iyo Clinton Oo La Soo Gabagabeeyay

Sunday, August 5, 2012

Laaska News  August  5,   2012

Warka Dalka (Dawladda).

By Canab

Muqdisho, Aug 4,2012 – Shirkii Magaalada Nairobi ku dhexmarayay Hellary Clinton iyo Saxiixeyaasha Roadmap-ka ayaa lasoo gabagabeeyay iyadoo dowladda Mareykanka ballanqaaday in ay taageereyso Dowladda cusub ee ka dhalaneysa wadanka August 20-keeda kadib.

Shirka magaalada Nairobi ku dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya , Xubnaha saxiixeyaasha Roadmap-ka iyo Hellary Clinton Xog’hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa diirada lagu saaray marxaladda cusub ee uu galayo wadanka.

Kulanka oo galabta si rasmi ah u bilowday ayaa waxaa hadal hor dhac ah ka jeedisay Hellary Clinton Xog’hayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo ugu horreyntii ku amaantay madaxda dowladda Soomaaliya horumarrada ay ka gaareen Dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda dalka ,iyadoo dhanka kale soo dhoweysay waxqabadka ay muujisay dowladda Soomaaliya ansixinta dastuurka iyo qaabka loo soo xulayo xubnaha cusub ee barlamanka kuwaas oo dooranaya Guddonka cusub ee barlaamanka iyo Madaxweynaha.

Clinton ayaa tilmaantay in Mareykanka uu si weyn ula dhacsanyahay isbedellada ka socda Soomaaliya gaar ahaan hananka lagu meelmarinayo geedi socodka nabadda waxa ayna carabka ku adkeysay in Mareykanka uu taageero dhan walba ah siinayo Dowladda iyo Shacbiga Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladad Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kulanka kadib la hadlay saxaafadda ayaa tilmaamay in si guul ah uu kusoo dhamaaday shirka waxa uuna xusay in Clinton ay ballanqaaday in ay tagaereyso Soomaaliya waxa uuna Madaxweynuhu meesha ka saaray warar sheegaya in lagula talinayay inaysan isa soo sharixin madaxda dowladda KMG ah isagoo farta ku fiiqay in warkaasi yahay mid been abuur ah oo ay wataan musharaxinta qaarkooda.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/samada Macalim Maxamuud oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in shirkaasi uu barbar socday shir ay saxiixeyaasha Roadmap-ka ka yeelanayeen qaabka loo soo xulayo xubnaha baarlamanka cusub iyo sida ay xilligeed ugu qabsomi laheyd doorashada madaxda cusub ee dowladda Soomaaliya.

Aug. 4,2012

RM (Codka JS)