Home > WARARKA > Madaxweyne Shariif Oo Si-diiran Loogu Soo Dhaweeyay Muqdisho,Kana Warbixiyay Shirkii Nayroobi (August 5, 2012)

Madaxweyne Shariif Oo Si-diiran Loogu Soo Dhaweeyay Muqdisho,Kana Warbixiyay Shirkii Nayroobi (August 5, 2012)

Monday, August 6, 2012

Laaska News  August  6,   2012

Muqdisho – Wararka ka imanaya caasimadda dalka ayaa kusoowaramaya in Madaxweynaha Soomaaliya Md Sheekh Shariif iyo wafdi uu hogaaminayo ay maanta kasoo dageen garoonka Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho, halkaana sii diiran loogu soo dhaweeyay.
.

Madaxweynaha ayaa kasoo laabtay socdaal shaqo oo uu kutagay magaalada Nayroobi,kagana soo qayb galay shir ay yeesheen saxiixayaasha Roadmapka iyo wafdi kasocday dalka maraykanka oo ay hogaaminaysay Wasiiraddda Arrimaha Dibadda ee Kilinton.
.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa La sheegay inuu kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Md. Cabdisamad Macalin Maxamuud.

.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Ku-simaha,kuxigeenka R/wasaaraha,Wasiirka Gaashaandhigga Md.Carab ,xubno katirsan labada Gole, masuuliyiin kale iyo dadweynaha magaalada Muqdisho,waxaana si weyn looga dareemayay calanka dalka iyo diyaargarawga loo galay una muuqda inuu bilawday ololahii doorashada.

.

Dhinaca kale Madaxweynaha oo markuu soo dagay kadib shir jaraaid qabtay ayaa kawarbixiyay shirka ay shalay ku galeen magaalada Nayroobi ee ay la yeesheen wafdiga Kilinton waxa uuna sheegay-

” inay kawada hadleen arrimaha Soomaaliya,horumarka lagaaray iyo sida ay tahay in loo sii xoojiyo, Amniga, Siyaasadda, baniaadannimada, iyo dhinaca Arrimaha Bulshada iyo Soomaaliya inay soo gaadhay marxalad wanaagsan 20 kii sano ee lasoo dhaafay markii ugu horreysay ay tahay inay muuqato rajo nabadeed.”

.

“Arrintaas Maraykanku aad ayay u taageereen,aadna wey usoo dhaweeyeen,waxayna ballan qaadeen marxaladda soo socotana inay taageerada intaa kabadin doonaan.”

.

“Waxay annagana noo ahayd fursad weyn inaan usheegno horumarka dallka kajira iyo waxa loo baahan yahay in laqabto dhawrka sano ee soosocda iyo shacabka soomaaliyeed siday diyaarka ugu yihiin inay soo ceshadaan nabadooodii,sharafkoodi iyo karaamadoodii”.

.
Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale sheegay shir kale oo ay saxiixayaashu roadmapku ku lahaayeen magaalada Nayroobi,shirkaas oo waqti hore lasheegay inuu madaxweyne shariif uu kabaxay, kana carooday hase yeeshee mar wax laga weydiiyay ayuu sheegay “inuu si fiican usocday shirka,uuna usoo baxay hawlo uu lahaa, uuna soo gabagaboobayo maanta,sidoo kalana ay hawsha intee badnayd la dhameeyay shalay inta kalana ay ku filan yihiin musuuliyiinta kale.”
.
Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Shariif wuxuu kaga baxay shirkaa jaraa’id hab diplomaasiyeadeed, wuxuuna warbaahinta ka ilaaliyay inuu u iftiimiyo inay jiraan wax wax khilaaf ah ama afkiisa wax laga helo,hase yeeshee waxa isa soo taraya in shax cusub ay ku heshiin waayay saxiixayaasha Roadmapka.

.

Laaska News