Home > Shirarka, WARARKA > Shirkii Saxiixayaasha Roadmap-ka Ee Nairobi Oo Laga SooSaaray War-Murtiyeed (August 6, 2012)

Shirkii Saxiixayaasha Roadmap-ka Ee Nairobi Oo Laga SooSaaray War-Murtiyeed (August 6, 2012)

Tuesday, August 7, 2012

Laaska News  August 7, 2012

Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya Shirkii saxiixayaasha Roadmap-ka  shalay oo bishu ahays Aug 6,2012.

Halkan Ka akhri   War Murtiyeedka laga soo saaray ee lagu qoray Warbaahinta Qaranka

Shirkii Saxiixayaasha Roadmap-ka Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Nairobi Lagana Soo Saaray War Murtiyeed

August 6, 2012

by Canab

Shirkii saxiixayaasha Roadmap-ka  ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya halkaas oo uu ka socday mudo Sadax maalin ah iyadoona laga soosaaray war murtiyeed.

Shirka saxiixayaasha Roadmap-ka ayaa wax ka qeyb galay R/wasaaraha Soomaaliya, guddoomiyaha Baarlamanka, maamulada Galmudug, Puntland,  ahlusuna waljameeca iyo wakiilka gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahega.

Shirka oo magaalada Nairabo ka socday mudo sadax maalin ah ayaa waxaa laga soo saaray war murtiyeed ay ku heshiiyeen saxiixayaasha Roadmap-ka waxaana ka mid ahaa

 in dib u eegis lagu sameeyo eragada ka socota maamulka Khaatuma State, waxaana la isku afgartay in shan ka mid ah xubnaha Sideeda ah ee matalaya maamulkaasi ay soo xulaan Odayaasha dhaqanka ee k u sugan magaalada Muqdisho halka Sadaxda kale ay soo xulayaan Odayaal dhaqameedka ku sugan Garoowe.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa qodobadii kale ee laga soo saaray shirka

in xubnaha cusub ee ka qeyb noqonaya baarlamanka uu dalka yeelanayo in ay aqoontiisa ay ka sareyso dugsi sare, iyo
in ergada soo xuleysa baarlamanka cusub ay u madax banaanaadaan dadka ay soo xulayaan lana sugu amaankooda.

RM.