Home > ALL DARWIISH NEWS, WARARKA > Shirkii Nairobi Iyo Sida Loo Qaybiyay Soo Xulista Xubnaha Beesha Sool Ee Baarlamaanka Oo Laga Biyo-diiday – Wareysi

Shirkii Nairobi Iyo Sida Loo Qaybiyay Soo Xulista Xubnaha Beesha Sool Ee Baarlamaanka Oo Laga Biyo-diiday – Wareysi

Wednesday, August 8, 2012

Laaska News August 7, 2012
Shirkii Nairobi Iyo Sida Loo Qaybiyay soo xulista Xubnaha Beesha Sool Uga Qayb Galaysa Baarlamaanka Soomaaliya oo uu kahadlay Wasiirkii hore ee Warfaafinta kana biyo diiday sida loo maamulay.

Shirkii Saxiixayaasha Roadmapka ee ka dhacay magaalada Nairobi, warbaahintana  horrey looga maqlay qodobada miiska yaalay ayaa waxaa  shalay laga soo saaray qodobo,qodobadaas  oo ay kamid ahaayeen qodob sheegaya in xubnaha Beesha Dhulbahante uga qayb galaya Baarlamaanka Soomaaliya laga soo kala xulo  ama ay soo kala xulaan odayaal kusugan Muqdisho iyo maamulka Puntland.

.

Shirka oo la sheegay in Madaxweyne Shariif uu waxyaalaha qaar uu ka biyo diiday maalintii horre oo uu kabaxay shirka,inkastoo madaxweynaha mar la weydiiyay uu san sheegin wax khilaaf ah haddana  intii ku hadhay waxay soo saareen qodobo ay ugu muhiimsan tahay in laba meelood loo kala qaybiyo soo xulista xubnaha Baarlamaanka ee Beesha Sool am khaatumo uga qayb galaya Baarlamaanka Soomaaliya oo la meel mariyo doonistii PL.

.

Umadduna ay u aragto in lagu takri falay wax ay beeli gaari leedahay, oo ay odoyaashoodu iyo Isimadoodu  xaq u leeyihiin inay soo xulaan arrintaasina ay wax udhimayso macnaha dawladnimo iyo dhexdhexaadkeeda,loona arko dhac iyo boob.
.

Waxaase garab socda dood kale oo ay wadato PL oo oranaysa maadaama ay beeshaasi qaar kamid ah ay katirsan yihiin maamulka Puntland,Puntland wey u furan tahay.

.

Waxaase su’aali ka taagan tahay soo xulista ma maamulkaa leh mise madax dhaqameedyada soo jireenka ah,mise waa la jiifiyaana banaan?
.

Haddaba waxaa arrintaa ka gadooday ee  kala qaybsiga ah ee Beel kamid ah Beelaha Soomaaliya xubnooda iyagoon joogin sidii ladoono laga yeelo waliba ay dawladdii ay joogto mas’uuliyadeedana ay  leedahay.Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta ee Xukuumadda KMG Soomaaliya Md. Cabdikariim Xasan Jaamac.
.

Mr.Jama wuxuu Madaxweyne Faroole ku eedeeyay inuu dhacaa mas’uuliyadeeda leeyahay loo gaystay Beesha Sool kuraasteeda,arrintaas oo ay warbaahintuna horrey usheegtay in Mr. Farole uu dalbaday in xubnaha qaarkood uu soo magacaabo.

.

Haddaba  Mr. Jama oo  arrintaa ka hadlay oo ay laanta Af-soomaaliga ee BBC du  ay ka waraysatay ka akhri xagga hoose.

.

Wareysigaas oo uu qaaday Yuusuf  Xasan ayaa Mr. Abdi kariim Xasan Jaamac oo ka jawaabaya su’aal laweydiiyay uu hadalkiisa ku bilaabay:

Arrinka Shirkii Saxiixayaasha waxaa  keenay miiska madaxweynaha PL  Dr Cabdiraxmaan Faroole oo ka codsaday saxiixayaasha kale in dhulbahantaha kuraastiisa xildhibaanadiisa kalabadh lasiiyo ee maaha wax dhulbahante kayimid.

.

Waxaadna mooddaa dadka meesha kusaxiixan halkan inay ku raacsanaayeen oo miiska markii lagu soo wareegay la yidhi afarta oday ee 135 ka kamid ah eedhulbahantana laba halaga saaro oo faroole dad hakeensado,sideeda xildhibaan ee dhulbahantuhu leeyahayna 4na  faroole hasoo magacawdo, afarna dhulbahantuhu hasoo magacawdo.

.

Laakiin waxay leeyihiin guddigii loo saaray arrintaas ayaa  c/kariim jaamac kamid ahaa iyo wasiir kale oo  kasoo jeeda deegaanadaa laakiin PL ka tirsan?
.

Waan kuu sheegayaa, Meesha waxaa kuyaala “laba kamid ah dadkii shirka kaqayb galay ayaa soo saaray arrimahan”.

.

“Annigu shirka kaqayb gale maanan ahayn”.
Dadka hadlaya ee saxiixayaasha ah waxaa la socday qof qof mid kasta oo kamid ah.

“Anniguna mid kamid ah ma’aanan ahayn kuwaas.”
Meesha waxaan ujoogay, wafdiga madaxweynaha ayaan la socday, shir shirkaa ka dambeeya …..ayaan meesha u joogay ee ma’aanan ahayn qof shirkan kasoo qayb galay ama beel uga soo qayb galay ama si kale uga soo qayb galay ama loo ogolaa inuu ka hadlo.
Markii dambana Faroole ayaa codsaday in shirka la’iga saaro,waana kabaxay”.
.
Markaa waa wax uun loogu talagalay qof sumcaddiisa in lagu xumeeyo maahee, nin shirka kasoo qayb galay oo go’aanno usoo gaadhay ma’aanan ahayn.

.

Sidee marka sumcaddaada loogu xumayn karaa?
.

Waxaa loogu xumaynayaa waxaa weeyaan in la yidhaahdo isaga ayaa soo saxiixay ama soo ogolaaday arrin aan meesha kujirin,waa run, intii uu shirka socday mar dhexe ayaa waxaa la yidhi 4 qof intii ,hala soo eego arrinkan in lasoo dhawayn karo,wixii meesha lagaga hadlaynayna waxyaalana waa laga qaatay, waxyaalana waa laga tahay,sidii larabay ayaana loo dhigay.

.

Waana kala hadlay xalayto dadkii meesha ku shirayay oo aan ku idhi in wixii meesha lagaga hadlay siday ahaayeen loo qoro, iyo in magacayga laga reebo, midkoodna lama yeelin.

.
Waxaadna mooddaa waxa meesha ka dhacay waxaa weeyaan in faroole uu bililiqaystay kuraas ay leeyihiin Beesha dhulbahante,kuna sharciyeestay xubinimada uu ku leeyahay saxiixayaasha.

.

Sida aad adigu aad ku talinaysay,oo aad rabtay markaad wada xaajoodka aad ku jirteen, maxay ahayd?
.

Waxay ahayd laba nin oo uu magacooda sheegay oo uu midna uu horrey u ahaan jiray Isim midna uusan waligiis noqon oo isaga siyaasad ahaan xulufo la ah ayuu magacooda meesha keenay.

.

Waxaan soo jeedinay in labadaas nin ay utagaan odoyaasha kale oo talada laga qayb galiyo qaar kamid ah magacaabista ee inay soo magacaabaan garoowe oo Faroole uu soo magacawdo dad cidda uu doono ha usoo maree kuma jirin sheekada.

.

Laakiin Cabdikariim cid kasta wey og tahay maamulka Puntland in deegaanka aad kasoo jeedo oo aad hadda ka dhawaajisay dadkaasi inay katirsan yihiin,sidoo kalana ay katirsan yihiin Somaliland, Koonfurtana inay katirsan yihiin oo ay dawladda ku jiraan iyadana waa arrin la wada og yahay, marka maxaa diidaya Faroole inuu yidhaahdo dadkii katirsanaa deegaankaa iyaguna waa in laga qayb galiyaa xildhibaanada?.

.
Waa su’aal fiican Yuusufaw, waxaa la go’aamiyay oo saxiixayaashu naftigoodu go’aamiyeen,oo brotokooladoodana kusoo saareen; heshiisyadii Addisababa iyo meel kastana ku qornayd; cidda kaliya ee loo ogol yahay inay soo xulaan xildhibaanada inay tahay Isimada soo jireenka ah ee beel waliba leedahay, siyaasi meel uga furnayd majirto.
Markaa inuu soo fariisto Faroole shirka oo uu yidhaahdo waa in la’isiiyaa qayb, mid meesha ku jirta maahayn.

.

Laakiin wuxuu u doodi kara dadkii Isimo kale oo isaga gacan saar lalahaa, haddii loo diiday inay wax xulaan?.

.
Waa fiicnaan lahayd, laakiin runta ayaa waxay tahay in Isimadii Dhuulbahante oo midaysan ay xamar wada joogaan ee aysan Garowe joogin.
Isimo hadda halkaa laga soo dirayana  aysan jirin,taa weeye ciladda ay leedahay, haddana la raadinayo in la helo dad aan  ku lahayn shaqo arrinkan in loo sameeyo, sidaa waana wax aan runtii meesha ku jirin.

BBC.

.