Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia- Degmooyin La Magacaabay – Wareegto

Somalia- Degmooyin La Magacaabay – Wareegto

Thursday, August 9, 2012

Laaska News  August  9, 2012

Muqdisho,Aug 8, 2012 – Waxaa wareegtooyin kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Md Sheekh Shariif Shiikh Axmed,laguna baahiyay warbaahinta Qaranka lagu sheegay in degmooyin loo aqoonsaday deegaanada ama tuulooyinka kala ah:

.

Ceel Baraf, Ceel Axmed , iyo Al Kowsar oo katirsan  Gobolka Shabeelaha Dhexe.

.

Wareegtooyinka kasoobaxay xafiiska madaxweynaha ayaa ukala qornaa sidan soo socota.

.

Wareegtada lagu magacaabay Ceel Baraf.

Madaxweynaha J.S

Markuu Arkay:  Qodobka 39-aad farqadda 1-aad Xarafka “a” iyo farqadda 2-aad ee isla qodobkan ee axdiga FKMG Ah.

Markuu Arkay:  xeerka Lr 6 ee 12 Feberaayo 1980.

Markuu Arkay:  Warqadda Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amiga Qaranka Lr WAG& AQ/468/12 ee July 20-2012  kuna saabsan  soo jeedin magacaabid Degmo.

Wuxuu soo saray Xeerkan Soo Socda.

Qodobka 1-aad

Waxaa la ogolaaday in Ceel Baraf  oo  ka tirsan gobolka Sh/Dhexe loo aqoonsado Degmo laga Bilaabo Maanta oo ay taariikhdu tahay 22 July 2012.

Qodobka 2-aad

Xeerkan wuxuu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saaray faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Degreetada ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wareegtada lagu magacaabay Ceel AXmed.

Xeer Madaxweynaha J.S.L 273,Taariikh 23/072012

Magacaabis Degmo Cusub

Madaxweynaha J.S

Markuu Arkay:  Qodobka 39-aad,farqadda 1-aad Xarafka “a” iyo farqadda 2-aad ee isla qodobkan ee adiga FKMG Ah.

Markuu Arkay:  xeerka Lr 6 ee 12 Feberaayo 1980.

Markuu Arkay:  Warqadda Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amiga Qaranka Lr WAG & AQ/468/12 ee July 20-2012 kuna saabsan  soo jeedin magacaabid Degmo.

Wuxuu soo say Xeerkan Soo Socda.

Qodobka 1-aad

Waxaa la ogolaaday in Ceel AXmed oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe loo aqoonsado Degmo laga Bilaabo Maanta oo ay raariikhdu tahay 22 July 2012.

Qodobka 2-aad

Xeerkan wuxuu dhaqana galayaa marka uu saxiixo madaxaweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saaray faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Muqdisho:23-07-2012

Sidoo kale  Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ee Degmada loogu magacaabay Al Kowsar  ayaa u qorneyd sidan.

Xeer Madaxweynaha J.S.L 273,Taariikh 23/072012

Magacaabis Degmo Cusub

Madaxweynaha J.S

Markuu Arkay:  Qodobka 39-aad,farqadda 1-aad Xarafka “a” iyo farqadda 2-aad ee isla qodobkan ee adiga FKMG Ah.

Markuu Arkay:  xeerka Lr 6 ee 12 Feberaayo 1980.

Markuu Arkay:  Warqadda Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amiga Qaranka Lr WAG & AQ/468/12 ee July 20-2012 kuna saabsan  soo jeedin magacaabid Degmo.

Wuxuu soo say Xeerkan Soo Socda.

Qodobka 1-aad

Waxaa la ogolaaday in Al Kowsar  oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe loo aqoonsado Degmo laga Bilaabo Maanta oo ay taariikhdu tahay 22 July 2012.

Qodobka 2-aad

Xeerkan wuxuu dhaqana galayaa marka uu saxiixo madaxaweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saaray faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Muqdisho:23-07-2012

RM.

Related Articles:

Galinsoor Oo Laga Dhigay Degmo