Home > WARARKA > Suuriya – Ciidamada Oo La Wareegay Bartamaha Xalab

Suuriya – Ciidamada Oo La Wareegay Bartamaha Xalab

Friday, August 10, 2012

Laaska News

Ciidamada Dawladda Suuriya ayaa galay badhtamaha  Xalab,taasoo ah magaalada ugu weyn ahna xarunta ganacsi ee waddanka.
Waxayna ciidamadu ay hadda ku hayaan aagaa hawlgalo sifayn ah ah oo laga saarayo wixii ku hadhsan ama loogu soo celinayo kala dambayntii, hawlgalkaas oo ay suura gal tahay inuu qaato maalmo taasoo ay ugu wacan tahay cufnaanta ama badanaanta iyo isku qasnaanta guryaha ama dhismayaasha dabaqyada ah ee magaalada.
.

Marka loo eego warbaahinta,dadka deegaanku waxay soo dhaweyeen ciidamada,waxayna uga mahadnaqeen ka xoreynya maleeshiyaadka.
.

Ciidamada oo kaashanaya ama ay taageerayaan ciidanka cirka (diyaaradaha dagaalku waxay kula dagaalamayaan falaagada koonfurta Bari ee magaalada iyo xaafadaha ama degmooyinka Galbeedka ah.

.

Ciidamada Assad (dawaladda) waxay dib u hanteen gacan ku haynta xaafadda Salaahudiin ee Xalab.
.

Sidaana waxaa qortay Shabakada VOR oo soo xigatay TASS.

 

August 9,2012

Waxaa turjumay

Gueleed Hurdaaye

Laaska News