Home > TFG Somalia > Somalia – Guddiga Amniga Qaranka Oo Go’aanno Kasoo Saaray Amniga Dalka – (August 9, 2012)

Somalia – Guddiga Amniga Qaranka Oo Go’aanno Kasoo Saaray Amniga Dalka – (August 9, 2012)

Saturday, August 11, 2012

 

Laaska News August  11, 2012

Warka Dalka(TFG da)

by Yusuf

Kulan ay guddiga amniga qaranka maanta ku yeesheen xarunta madaxtooyada oo uu shir guddoominayay madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa laga soo saarat go’aanno ku saabsan ammaanka dalka iyo marxaladda dalku marayo.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/samad Macalin Maxamuud oo ka hadlay shir jaraa’id oo gabagabadii kulanka lagu qabtay xarunta madaxtooyada ayaa ka warbixiyay shaqaaqo ay laba qof ku dhinteen oo maanta ka dhacday agagaarka taallada Sayidka ee magaalada Muqdisho, wuxuuna yiri.

“ Sayidka Dumar iyo carruur ayaa isugu soo baxay, kabacdi baabuur ayaa dhex gashay, kaddibna meesha xabado ayaa ka dhex dhacay, ciidamada amniga ee isku dayay inay joojiyaan mid ka mid ah ayaa ku dhintay iyo qof kale oo dumar ah”. Sidoo kale wuxuu sheegay wasiirku inaan magaalada Muqdisho aan hub sharci darro ah lagu heysan Karin.

Wasiirka Difaaca ahna R/wasaare ku xigeen Xuseen Carab Ciise ayaa dadka musharraxiinta ah uga digay inay siyaasadda u adeegsadaan ciidamada qalabka sida oo uu tilmaamay inay yihiin kuwo u taagan waajibaadka qaran ee dalkooda ka saran, isla markaana aysan jirin cid si gaar ah u adeegsan karta.

“Waxaan idin ogeysiineynaa ciidamada XDS iyo kuwa qalabka sida oo dhan inay ciidamo qaran yihiin oo marna aan la siyaasadeyn Karin, ayna joogto yihiin ayagu, waxaan rabnaa in la ogaado inay yihiin kuwii dalka xoreeyay ayna u dhaxeeyaan dadka oo dhan” ayuu yiri Xuseen Carab Ciise.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhaweeyay musharraxiinta u taagan madaxweynenimada ee badanaya, hase yeeshee wuxuu ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo amniga qalqal galin kara, isagoo tilmaamay in dowladdu ay ammaankooda sugeyso.

“Waxaan soo dhaweynayaa murashax kasta oo u tartamaya xilka madaxweynenimada, waxaan rabnaa laakin tartankaasi inuusan abuurin dhibaato soo gaarta shacabka, dowladda dhinaceeduna waxay qaadaneysaa inay xaqiijiso dadkaasi amnigoodu inuu sugan yahay” ayuu yiri madaxweynuhu.

Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in qofkii doonayaa in laga caawiyo dhinaca ammaanka ay dowladdu u diyaarisay qorshe ay fulineyso wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, isagoo yiri “Cidii aan ka maarmeynin in gacan laga siiyo amniga waxaa diyaar loola yahay in laga caawiyo gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha ayaa u xilsaaran inay fuliso howshaas”.

Madaxweynaha ayaa sheegay inaan oggolaan doonin in musharraxiintu ay ciidamada dowladda ilaalo ka dhigtaan, ayadoo aan la ogeyn, taas oo keeneyso in ciidamadu aysan waajibaadkooda u gudan sidii loo qorsheeyay.

” Waxaa la isku dayaa in si gaar ah looga faa’iideysto dhallinyarada askarta ah, Dowladdu waxay habeen iyo maalin u soo jeedday in aan qofna dhimman, dadku qofka ay rabaan way taageeri karaan laakin amnigu ka gorgortan ma laha” ayuu yiri madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed.

 

August 9, 2012

 

RM.

 

Related Articles:

Ra’isul wasaaraha dowlada Soomaaliya oo sheegay in xukumada ay xil weyn iska saartay sugida ammaanka goobaha doorashooyinka ay ka dhacayaan.

by Raage

(Muqdisho:-09-08-2012—– Ra’isul wasaaraha dowlada Soomaaliya Dr Cabdiwali Gaas ayaa sheegay in xukumadda ay xil weyn iska saartay sugida ammaanka xiliga lagu gudo jiro doorashooyinka isgoo sheegay in ciidamada qalabka sida ay diyaar u yihiin xaqiijinta ammaanka goobaha doorashooyinka ay ka dhacayaan.

Ra’isala wasaaraha jamhuuriyadda Soomaaliya Dr Cabdi Wali Maxamed Cali waxaa uu sheegay in waqtigani adag ee lagu guda jiro loo baahan yahay in si wanaagsan looga gudbo si taasi loo helana dowlada Soomaaliya ay xiligani ku mashquulsantahay xasilinta ammaanka caasimada Muqdisho oo dadkii ugu badnaa ay xiligani isugu yimaadeen.

“Waa laga maarmaan in ciidamada ammaanka ay si feejignaan ah u shaqeyaan maadama la guda galayo xiliga doorashada,si dalka qalqal ammaan uusan wadankana u gudo galin,waana lagama maarmaan xukumadana waa ay ka hadli doontaa” ayuu yiri Ra’isulwasaare Gaas isagoo la hadlayay barnaamijka xogta wareesiyada ee taleefishinka Qaranka.

Sidoo kale Ra’isul wasaare Gaas waxaa uu ka digay in la isku daro doorashada iyo dowladnimada,waxaana uu rajo ka muujiyay hadii taasi la helo in dadka si garba siman ah ay u tartami karaan,waxaana uu ra’isul wasaare Gaas meesha ka saara in faragalin ay ku hayaan gudiga farsamada soo xulista Baarlamaanka saxiixayaasha Qariirada Nabada.

Ra’isul wasaaraha dowlada Soomaaliya Dr Cabdiwali Gaas,waxaa uu soo hadal qaaday diyaarado military oo ay dowlada Mareykanka ku wareejisay dowlada Uganda si ay uga qeyb qaataan xasilinta ammaanka iyo xureynta dalka,waxaana uu sheegay in sarkaalka ugu sareya uu kala hadlay diyaaradahaasi,waxaana uu meesha ka saaray in diyaaradahaasi loo keenay sugida ammanka goobaha doorashooyinka dalka ka dhacayaan.

Magaalada Muqdisho xiligani waxaa ay tahay mid aad u mashquul badan,waxaana dadka iyo madaxdaba ay yihiin kuwo u diyaar garoowbaya doorashooyinka 20-ka Agosto.

August 9, 2012

RM.