Home > TFG Somalia > Somalia – Madaxweyne Shariif Oo Laba Degmo U Magacaabay Deegaanno Gedo Iyo Bakool Ah – Wareegto

Somalia – Madaxweyne Shariif Oo Laba Degmo U Magacaabay Deegaanno Gedo Iyo Bakool Ah – Wareegto

Sunday, August 12, 2012

Laaska News August 12, 2012

Muqdisho, Madaxweynaha Soomaaliya Md.Sh.Shariif Sheekh Axmed ayaa deegaanada lagu kala magacaabo karaaban iyo Dhuurey u magacaabay inay noqdaan laba degmo, kuwaas oo ka kala tirsan Gobolada Gedo iyo Bakool.

.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Md. Bashiir Maxamed Jaamac ayaa warbaahinta ku baahiyay sabtiga maanta ah oo bishu ahayd 11 ka Agosto 2012 in wareegto Madaxweyne loogu aqoonsaday laba degmo  deegaanada  “Dhuurey iyo Karamaan” oo Gobolada Bakool iyo Gedo ka kala tirsan.
.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa sidoo kale ku wargalisay haydaha dawliga ah dhammaantood in degmooyinkaa loo dhammaystiro adeegyada ay ubaahan yihiin Bulshada Soomaaliyeed ee kunool.

August 11,2012

RM.(Codka J S)

 

 

 

Related Articles:

 

Somalia- Degmooyin La Magacaabay – Wareegto

Galinsoor Oo Laga Dhigay Degmo