Home > TFG Somalia > Somalia – Madaxweyne Shariif Oo Ka Ambabaxay Muqdisho Kuna Sii Jeeda Shirka Ururka Wadamada Islaamka

Somalia – Madaxweyne Shariif Oo Ka Ambabaxay Muqdisho Kuna Sii Jeeda Shirka Ururka Wadamada Islaamka

Tuesday, August 14, 2012

Laaska News August  14,  2012

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Md. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka ambabaxay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

.

Madaxweyne Shariif iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kusii jeeda  dalka Sacuudiga halkaas oo ay kaqayb galayaan shirka Madaxda ururka Wadamada Islaamka oo lagu wado inuu ka furmo 14/8/2012.

Warbaahinta Qaranka oo socdaalka Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ka hadashay ayaa sheegtay.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka ambabaxay garoonka diyaaarada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeda wadanka Sacuudi carabiya.

Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha C/wahaab Ugaas Xuseen, wasiirka arrimha gudaha iyo amniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen oo ka mid ah wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Shariif ayaa faahfaahin ka bixiyay safarkooda waxa uuna xusay in dowladda Sacuudi uu Madaxweynaha ka helay casuumaad halkaasna ay uga qeyb galayaan shir ay yeelanayaan wadamada Islaamka.

RM.

Aug. 13, 2012