Home > Shirarka, WARARKA > Somalia -Odoyaasha Dhaqanka Oo Sheegay In Xulista Mudanayaasha Cusub Ay Gebagabo Ku Jirto

Somalia -Odoyaasha Dhaqanka Oo Sheegay In Xulista Mudanayaasha Cusub Ay Gebagabo Ku Jirto

Tuesday, August 14, 2012

Laaska News  August  14,   2012

Garaad Jaamac  Garaad Cali  Garaad Jaamac

 

Muqdisho – Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee ku howlan xulista Mudanayaasha ka mid noqonaya Baarlamanka cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay in meel wanaagsan ay u marayaan howlaha xulista xildhibaannada iyagoo ka digay caqabad ka timaada dhinaca Siyaasiyiinta.

.
Guddoomiyaha guddiga xulista mudanayaasha Garaad Jaamac  Garaad Cali Garaad Jaamac oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay halka ay mareyso howsha xulista Mudanayaasha cusub ee Baarlamanka, isagoo tilmaamay in ay ku guuleysteen wajiga koowaad ee xulista xildhibaannada, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in goor dhow ay soo gebagebeyn doonaan howshaasi.

 

 

‘’meel fiican ayeey noo mareysaa howsha dhameystirka xulista mudanayaasha, waqti badanna naguma qaadan doonto haddii aysan siyaasiyiintu na carqaladeyn, hore waxaan u soo xulnay wajiga koowaad ee mudanayaasha haddana wey socotaa xulista innagoo aan ka tageynin qoondada haweenka’’ ayuu yiri Garaad Jaamac.

 

.
Hadalka Garaadka ayaa ku soo beegmaya xilli si weyn loo hadalhayo isbedellada siyaasadeed ee dalka ka dhacaya, iyo hurumarka ay dowladdu ka gaartay sidii looga bixi lahaa KMG-ka loona heli lahaa dowlad rasmi ah oo uu dalku yeesho Labaatan sano kadib.

August 13, 2012

RM.