Home > TFG Somalia > Somalia – Madaxweyne Shariif Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay,Loona Soo Dhaweeyay Si Diiran

Somalia – Madaxweyne Shariif Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay,Loona Soo Dhaweeyay Si Diiran

Thursday, August 16, 2012

Laaska News August  16,  2012

 

(Mogadishu, Somalia, Aug, 15, 2012) Madaxweynaha Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu ka soo qeyb galay shirka waddamada Islaamka oo ka dhacay dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya.

 

Dadweyne badan oo sita calanka dalka iyo sawirka madaxweynaha ayaa isugu soo baxay waddada Maka Al-Mukarrama kuwaas oo soo dhaweynayay madaxweynaha.

 

Sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ku jiraan Wasiirka Difaaca Xuseen Carab Ciise,Wasiirka Shidaalka C/qaadir Dhicisow, wasiirka Maaliyadda C/naasir Maxamed Cabdulle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”.

 

sidoo kale Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida, Taliyaha Ciidamada Amisom iyo shacab kale ayaa garoonka ku soo dhaweeyay madaxweynaha.

 

Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa socod lug ah ku soo maray waddada Maka Al-Mukarrama oo uu ku gacan qaaday dadweyne hareeraha waddada isugu soo baxay, kuwaas oo ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ay madxweynaha ku taageerayeen.

 

 

RM.