Home > TFG Somalia > Somalia – Pres. Sharif Oo Ka Hadlay Sharciyadda Xukuumadda, Degmooyinka, Shirka Islaamka – Shir Jaraa’id

Somalia – Pres. Sharif Oo Ka Hadlay Sharciyadda Xukuumadda, Degmooyinka, Shirka Islaamka – Shir Jaraa’id

Thursday, August 16, 2012

Laaska News  August  16,  2012

Muqdisho, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa markii uu soo dagay waxaa loo soo dhaweeyay si diiran, kadibna shir jaraa’id oo uu ku qabtay xaruunta madaxtooyada Soomaaliya oo uu kula hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda waddanka uu marayo, shirka ururka wadamada Islaamka ee uu kaqayb galay, sidoo kale guuxa ka yimid magacaabista degmooyinka cusub ee uu magacaabay, habka loo maray magacaabista, sharciyadda xukuumadda, cabashada xulista Baarlamaanka iyo arrimo lamid ah.

.

Warbaahinta Qaranka oo shirkaa jaraaid  ka hadlaysana waxay sheegtay sidan:

RefMadaxweynaha Soomaaliya oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, kana hadlay Sharciyadda Xukuumadda.

By Canab

(Mogadishu, Somalia, Aug, 15, 2012)

Shir jaraa’id oo uu madaxweynuhu saxaafadda ugu qabtay madaxtooyada ayuu ku sheegay in shirka dalalka Islaamka looga hadlay dhibaatooyinka ka jira dalalka Islaamka sida Suuriya, Burma, Sudan, Maali iyo Soomaaliya. Wuxuuna sheegay in la isku raacay in laga taageero sidii ay dhibaatada uga bixi lahaayeen.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu ka hadlay xaaladda uu dalku marayo, wuxuuna rajo ka muujiyay in 20-ka Agoosto ka hor ay diyaar noqdaan xildhibaanada Baarlamaanka si loo qabto doorashada madaxda.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay cabashooyinka ka soo yeeray guddiga xulitaanka Baarlamaanka iyo hanjabaad la sheegay in loo jeediyay.

“Qof dhowr sano xildhibaan soo ahaa haddii la yiraahdo xildhibaannimo waa weysay, wax kasta afkiisa way ka soo bixi karaan, marka yaanan u qaadin wax walba inay sida la sheegay u dhici doonaan” ayuu yiri madaxweynaha oo sheegay in guddiga xulidda baarlamaanka ku howlan ay dowladdu sugeyso ammaankooda.

Madaxweynaha waxaa wax laga weydiiyay degmooyinka cusub ee gobollada dalka qaarkood lagu kordhiyay iyo kaalinta ay golaha wasiiradu ku leeyihiin sharci ahaan, wuxuuna sheegay in ay soo jeedinta leedahay wasaaradda arrimaha gudaha, marka la hubiyo macluumaadka ay soo gudbisay kaddibna la magacaabo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Golaha Wasiiradu aysan saameyn laheyn mar haddii uu is sharraxay R/wasaaruhu.

“Degmooyinka marka la magacaabayo waxaa soo diyaarisa wasaaradda arrimaha gudaha, kaddibna waa soo gudbiyaan, haddii lagu qanco wixii ay soo gudbiyeen inay sax yihiin waa la magacaabaa, haddii meelaha qaar su’aalo loo baahdana waa la weydiiyaa kaddibna waa la magacaabaa, Golaha wasiiradu wax shaqo ah oo ay ku leeyihiin malaha, waligeed shaqo kuma yeelan” ayuu yiri .

“ Arrinta labaadna waxay tahay xukuumadda mar haddii uu R/wasaaruhu Musharrax noqdo, xukuumaddu waxay noqoneysaa mid aan saameyn lahayn, qaraarna maba soo saari karto”.

RM.

Related    Articles:

Somalia – Madaxweyne Shariif Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay,Loona Soo Dhaweeyay Si Diiran

Somalia – Madaxweyne Shariif Oo Ka Ambabaxay Muqdisho Kuna Sii Jeeda Shirka Ururka Wadamada Islaamka