Home > TFG Somalia > Somalia-Xafiiska PM-ka Oo “Sharciyadda Magacaabista Degmooyinka Cusub,& Dalacsiinta” Ka Hadlay -Warsaxaafadeed

Somalia-Xafiiska PM-ka Oo “Sharciyadda Magacaabista Degmooyinka Cusub,& Dalacsiinta” Ka Hadlay -Warsaxaafadeed

Thursday, August 16, 2012

Laaska News  August  16,  2012

Mogadishu, Somalia (Aug.15,2012)-Waxaa warsaxafadeed kasoobaxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiwali Madxamed Cali lagaga hadlay magacaabista degmooyinka cusub ee dhawaan lagu magacaabay wareegtooyin kasoobaxay xafiiska Madaxweynaha iyo sidoo kale dalacsiinta saraakiisha dawladda IWM.Waxaana muuqata in labada xafiis ay si aad ugu kala aragti duwan yihiin magacaabista arrimahaas kor ku xusan & cidda awoodda uleh labadaba.
Waxaa lagu sheegay warsaxaafadeedkaa in wixii aan soo marin habka sharcigu qeexayo,in ay ka hor imanayaan sharciga dawliga ah sidaa awgeedna aan la dhaqan galin karin sida kucad Qodobka 3aad ee Axdiga (Sarraynta Sharciga) Farqadiisa 2aad oo qeexaya “ Sharci kasta oo aan la soo marin ama ka hor imanaya Axdiga Dawladda wuxuu noqonayaa waxba kama jiraan”.

 

Warsaxaafadeedkaa oo kasoo baxay xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya ayna qortay warbaahinta qaranku ayaa u qornaa sidan:

Warsaxaafadeed

Ref: XRW/LT/00.435/08/12                                   Date 15.08.2012

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Markuu arkay: Qodobka 3aad ee Axdiga/KMG ee Dowladda Soomaliya,Farqadiisa 1aad & 2 aad.

Markuu arkay: Qodobka 46aad, Farqadiisa 1aad & 2aad iyo qodobka 48aad, Farqadii 1aad-xarafkiisa (A & B) oo qeexaya (Waajibaadka Wasiirka 1aad).

Markuu arkay: Qodobka 52aad Farqadiisa 1aad & 2aad oo qeexaya (Waajibaadka Golaha Wasiirada).

Markuu arkay: Qodobka 53aad Farqadiisa 3aad, Xarafkiisa ( a iyo b ) oo qeexaya (Xilka Golaha Wasiirada):

a) – Fulinta Awooda Golaha Wasiirada iyo meel marinta waajibaadkooda.

b) – Maareynta iyo dhaqangelinta shuruucda loo xilsaaray.

Markuu arkay: Qodobka 44aad ee Axdiga KMG ee qeexaya (waajibaadka Madaxweynaha).

Markuu arkay: Qodobada 81, 83, 85 ee Dastuurkii 1960 –kii oo qeexaya waajibaadka Golaha Wasiirada.

Markuu ogaaday: Wareegtooyin ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha JS oo aan ku Salaysnayn go’aan golaha wasiirada sifo sharciga waafaqsan.

Markuu arkay: Go’aankii kalfadhiga Golaha wasiirada oo ku taariikhaysan 13kii, August 2012 oo lagaga dooday habsami usocodka howlaha Qaranka oo ku dhisan nidaam dawli ah oo sharciyaysan

Haddaba, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, isagoo tixraacaya qodobada kor ku xusan iyo Go’aankii Golaha Wasiirada ee 13kii, August 2012, wuxuu halkan ku cadaynayaa

in wareegtooyinka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ee ku saabsan magacaabida Gobolo iyo Degmooyin cusub, dalacsiin Saraakiil Dowladeed iyo wixii lamid ah ee aan soo marin habka sharcigu qeexayo in ay sharciga dawliga-ah ka hor imaanayaan lana dhaqangalin Karin sida kucad Qodobka 3aad ee Axdiga (Sarraynta Sharciga) Farqadiisa 2aad oo qeexaya

“ Sharci kasta oo aan la soo marin ama ka hor imanaya Axdiga Dowladda wuxuu noqonayaa waxba kama jiraan”.

MUQDISHO 15/08/201

Mudane Cabdiwali Maxamed Cali.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaaliga Soomaaliya.

RM.