Home > TFG Somalia > Somalia – Deegaanno Loo Aqoonsaday Degmooyin (Warka Aug 20, 2012)

Somalia – Deegaanno Loo Aqoonsaday Degmooyin (Warka Aug 20, 2012)

Wednesday, August 22, 2012

Laaska News August 22,2012

Muqdisho, – Waxaa saddex deegaan oo ah Sh/Dhexe iyo Hiiraan loo aqoonsaday degmooyin sida lagu sheegay warbaahinta qaranka, Aug.20,2012.
.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa degmooyin loogu aqoonsaday Deegaanada kala ah:

.

Deegaanka “Jameeca Jilyaale” oo ka tirsan Gobolka Sh/ Dhexe,loona aqoonsaday Degmo laga bilaabo 16 /2/2012.

.
Deegaanka “Shaw” – oo ah Gobolka Hiiraan, laga bilaabo 30/6/2012.
.
Deegaanka “Gamboole” oo ah Gobolka Sh/Dhexe laga bilaabo 30/6/2012.

.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa ku wargalisay (ku baaqday) dhammaan hay’adaha dawliga ah in hay’ad waliba kaalinteeda ka qaadato si loo dhameystiro baahida Degmonimo ee hay’adaha Dawladda ee degmo waliba iyo bulshada kunool u baahan yihiin inay helaan.