Home > Baarlamaan 2012 > Madaxweyne Shariif,Ergay Mahiga Oo Kulan Ka-yeeshay Baarlamaanka Kala Dhiman Iyo Dhammeystirkiisa

Madaxweyne Shariif,Ergay Mahiga Oo Kulan Ka-yeeshay Baarlamaanka Kala Dhiman Iyo Dhammeystirkiisa

Thursday, August 23, 2012

Laaska News  August  23,  2012

 

MuqdishoMadaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Md.Shariif Sh.Axmed iyo wakiilka Gaarka ah ee Xog.Guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr. A. Mahiga ayaa kulan ka yeeshay sidii loo dhammeystiri lahaa tirada liiska xildhibaanada cusub ee dalka Soomaaliya,August 22, 2012.
.

Waxaana meel laysla dhigay xalka arrintaa, iyo in la  dadajiyo in la helo liiska xildhibaanada ka maqan.

.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay kulankaa oo lagu baahiyay warbaahinta qaranka , kulankaa waxaa ka qayb galay:

.

Guddoomiyaha (KMG ah) ee Baarlamaanka Gen. Muuse Xasan Candulle.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Md. Cabdisamad Macalin Maxamuud Sh. Xasan iyo

Taliyaha Ciidamada AMISOM.
.

Kadib markii uu soo dhamaaday kulankaa waxaa si wada jir ah u qabtay shirjaraa’id Madaxweynaha Somaaliya Md. Shariif iyo ergey Mahiga.

.

 Warsaxaafadeed ka Waxyaalaha ugu Muhiimsan:

.

“Kulankaani wuxuu daba socday kulamadeenii hore, waxaana ka hadalnay sidii loo dhammeystiri lahaa qeybta ka dhimman xubnaha baarlamaanka iyo mashaakilka yar ee jira sidii loo xalin lahaa, waxaana isla garanay inay lagama maarmaan tahay in xalka la dedejiyo oo aan isla garano waxa lagama maarmaanka ah” ayuu yiri madaxweyne Shariif.

 

.

Madaxweynaha oo ka jawaabayay su’aal ahayd in baarlamaanka lagu darayo xubnihii ay soo celiyeen guddiga TSC-du ee lagu sheegay inay dambi galeen, wuxuu yiri:-

.

“Dambi waxaa lagu xaqiijiyaa qaab la yaqaano oo ugu dambeyn ah in maxkamadi xukunto dadka, mana jiraan dad xukuman oo liis ku jira, in dad la yiraahdo dambiileyaalna waxay u baahanaysaa in xukun maxkamadeed la keeno,waxayna waxyeeleysaa in xilligaan oo kale wax yaabo noocaas ah la dhex galo, nabaddii iyo kalsoonidii dadka, (waxayna keeneysaa) dadku waxay ka soo gudbeen in dib loogu celiyo.

.

Waxay kaloo wax yeeleysaa habkii dib u heshiisiinta iyo heshiis kasta oo suura gal ah in lala galo dad ka soo horjeeda dowladda, aragtidaasina waa inay meesha ka baxdaa”.
.

“Waa inaan isha ku heynaa horumarka nabadda, isku kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ka dhex jirta, in si nabad ah loogu gudbo marxaladda cusub, ayadoon qof, koox iyo qolo aan la bartilmaameedsaneynin” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

.

Ergayga gaarka ah ee xogyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr. Agostine Mahiga oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay- in uu kulamo la qaatay odayaasha iyo guddiga TSC-da, kaddib markii uu shalay la kulmay wakiilo ka socday beesha caalamka, isla markaana caawa ama ugu dambeyn berri subax la heli doono liiska xildhibaanada ka maqan Baarlamaanka si isla berri loo dhaariyo.

 

.

Dhammaad.

.
Xafiiska Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya
media@presidency.gov.so

.

RM.

 

August 22,  2012

 

 

Related Articles:

 

Deg Deg:Somalia oo Loo Dhaariyay Baarlamaan Cusub August (20, 2012)