Home > Baarlamaan 2012, WARARKA > Prof.Galaydh Oo “Gole-Qado-Sharafeed” Kaga Dhawaaqay Inuu U Tartamayo Doorashada “Afhayeenka Baarlamaanka Somalia”

Prof.Galaydh Oo “Gole-Qado-Sharafeed” Kaga Dhawaaqay Inuu U Tartamayo Doorashada “Afhayeenka Baarlamaanka Somalia”

Friday, August 24, 2012

Laaska News  August  24.  2012

Prof. Galaydh Oo  u taagan  “Tartanka Doorashada Guddoomiyaha  Baarlamaanka” kuna baaqay “in lagu taageero si uu dalka isbadel uga rido”.


Muqdisho
Prof. Cali Khaliif Galaydh ayaa Gole kaga dhawaaqay inuu u taagan yahay tartanka doorashada xilka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in isbadel laga dareemi doono dalka ku salaysan sharciga, caddaaladda, maamul-wanaagga iyo kala dambaynta dawladnimo haddii la doorto.
.

Prof. Galaydh ( Ex. Somali PM ) wuxuu siyaasadda Soomaaliya ku jiray muddo dheer,wuxuuna tan iyo 60 aad kii dalka Soomaaliya kasoo qabtay xilal kala duwan iyo wasaarado kala duwan (ie Agaasime – Somali PM) sida aannu warka ku hayno.

.

Dr.Galaydh ayaa “Gole-Qado-Sharafeed” oo siweyn loo soo agaasimay ku qabtay Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, golahaas ama xafladdas oo ay kasoo qayb galeen martisharaf ka kooban  qaybo kala duwan oo bulshada ah oo ay  ku jiraan Madax Dhaqameedyo, Aqoon-yahanno, Siyaasiyiin, xubno Baarlamaanka cusub ah, ganacsato iyo dadweyne kale oo  taageero u haya murashax Galaysh.

.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in markii uu kulankaa ka jeediyay qorshihiisa wax qabad ee uu doonayo inuu  u qabto (dalka iyo shacabka Soomaliyeed) ama fuliyo  haddii la doorto oo uu qabto “xilka ugu muhiimsan dhismaha Dawladnimo” ee  Guddoomiyaha Golaha (sharci dajinta) Baarlamaanka  ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, in uu ka qayb galayaashii kulankaas ama martisharafeedka xafladdaa – uu kala kulmay “soo dhaweyn , taageerid iyo  dhiiri galin  xooggan”.

.

Waxaa xusid mudan in ay jiraan 4 xubnood oo kale oo u tartamayaa jagada Afjayeenka Baarlamaanka.

 

 

August  23, 2012

.

Laaska News.