Home > Baarlamaan 2012 > Pres.Sharif Oo Ka Hadlay Xubnaha Ay Soo Celiyeen Guddiga Farsamadu Iyo Xalkooda, Ku: Maxkamadda Sare

Pres.Sharif Oo Ka Hadlay Xubnaha Ay Soo Celiyeen Guddiga Farsamadu Iyo Xalkooda, Ku: Maxkamadda Sare

Sunday, August 26, 2012

Laaskanews  August 26, 2012

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Md. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhawaaqay in Xubnihii odoyaasha dhaqanku ay usoo xuleen inay kamid noqdaan xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee ay celiyeen Guddiga Farsamadu ay arrintaas “go’aanka ugu dambeeya ay ka qaadan doonto maxkamadda Sare ee Dalka”.

.
Madaxweyne Shariif oo xalay shir jaraa’id kuqabtay xarunta madaxtooyada ee dalka ayaa uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin arrinta soo xulista, dhammaystirka Baarlamaanka iyo xubnaha ay soo celiyeen Guddiga Farsamadu.

.

Haddii si kooban loo sheego macno ahaan hadalkii Madaxweynaha ana wayaalaha ugu muhiinsanaa waxaa kamid ahaa:

.

In horrey loogu heshiiyay in xubnahaas dib loogu celiyo odayaasha dhaqanka ee soo xulay badalka iyo soo celintana ay iyagu leeyihiin.

.
Inaysan wali dhammaan hawshii xulista ee lagu dhammaistirayay xubnaha baarlamaanka, ayna marayso heer  gebogabo ah  hawshii.
.

In kulan uu laqaatay saxiixayaasha roadmap ka xalay.

In ay go’aasadeen ama go’aan ku qaateen in  arrinta xubnaha lasoo celiyay loo gudbiyo maxkamadda sare  si ay go’aan uga gaadho.

Laaskanews.