Home > Baarlamaan 2012 > Somalia – Kalfadhiggii 3aad Ee Baarlamaanka Oo Musharaxiin Ka Jeediyeen Qorshahooda

Somalia – Kalfadhiggii 3aad Ee Baarlamaanka Oo Musharaxiin Ka Jeediyeen Qorshahooda

Monday, August 27, 2012

Laaskanews  August 26,  2012

Muqdisho -Musharaxiinta u tartamaya xilka afhayeenka baarlamaanka iyo kuxigeennaddiisa ayaa maanta kalfadhigii 3aad ee kulanka golaha ka hor jeediyay qorshahooda doorashada,waxaana la sheegay in tartanka xilka Afhayeenka oo ahaa 6, ay hadda usoo hadheen 5 xildhibaan, kadib markii uu tartanka ka hadhay Mudane Juriile .

.
Wararka ka imanaya caasimadda Soomaaliya ee muqdisho ayaa kusoo waramaya in Baarlmaanka cusub ee dalku uu maanta kulan ku yeeshay  dugsiga Booliska ee iskoolo Bolisiya, kulankaas oo ah kalfadhiggii saddexaad ee uu yeesho tan iyo intii la doortay baarlamaanka cusub ,   Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Mudane Muuse Xasan Cabdulle (Gen.Muse Hassan)  oo kulankaasina furay ayaafuritaankii ku shawaaqay in  ay fadhigaa kasoo qaybgaleen mudanayaal tiradoodu  dhan tahay 190 mudane.

.

Mudanayaasha  u tartamaya Xilka afhayeenka Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa  ayaa Baarlamaanka ka hor jeediyay qorshahooda tartan, kadib markii loo furay inay hadlaan.
.

Mudanayaasha u tartamaya xilka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kala ah:

.

Dr. Galaydh.

Prof.  Jawaari

Md. Cabdi Xaashi

Md.  Xadsan Abshir

Md. Cabdirashiid Xiddig.

.

Sidoo kale waxaa la sheegay in  Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ay  u tartamayaan 11 Mudane, halka Kuxigaanka 2 aadna ay u tartamayyaan 4 xildhibaan.

.

Doorashadan ayaa lagu wadaa inay dhacdo 28/8/2012.

.

Laaskanews