Home > WARARKA > Suuriya-Asad- Waxa Suuriya Kasocda Kuma koobna,Laakiin Waa Qorshe Goblka Oo Dhan Ah

Suuriya-Asad- Waxa Suuriya Kasocda Kuma koobna,Laakiin Waa Qorshe Goblka Oo Dhan Ah

Monday, August 27, 2012

Laaskanews August  27, 2012

Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Asad ayaa sheegay in waxa ka jira Suuriya aysan ahayn wax Suuriya kaliya ku kooban ama ku socda laakiin waa qorshe ku wajahan gobolaka oo dhan, sida laga sii daayay TV ga.

.
Asad Waxa uu sheegay inaysan shacabka Suuriya aysan aqbalayn qorshaha ku wajahan,ayna fashilin doonaan, qiimo kasta haku qaadatee.
.

Warkan ayuu sii daayay xilli uu kulan la qaatay Axaddii wafdi kasocday dalka Iran.
.

Suuriya waxaa ka socda dagaal meelo fara badan kasocda oo gaystay qasaare burbur iyo dhimasho farobadan gaystay.
.

Dhinaca kale madaxweyne kuxigeenka waddankaas Faaruuq Al- Sharcaa oo baryahan laysla dhexmarayay warar ku tidhi ku teen ah oo lalahaa wuxuu asbuucan horraantiisii u goostay Urdun iyo waa goosanayaa ayaa kasoo baxay, oo ka muuqday TV ga, kadib markii warbaahintu heshay isagoo soo galaya xafiiskiisa dimishiq si uu ula kulmo wafdi Baarlamaani ah oo ka socday Iran.

Laaska News